Bartamaha(Lafoole):-Kooxo aan la garan ayaa xalay qarax la beegsaday saraakiil sare oo ka mida Ururka Xizbul Islaam kuwaasi oo ka badbaaday qaraxii lagu weeraray.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Bamka gacanta laga gano kaasi oo ku dhacay xarunta Ciidamada Xizbul Islaam Deegaanka Lafoole halkaasi oo ay ku shirayeen Saraakiil ka mida Xizbul Islaam dhanka Deegaanka Lafoole.
Qasaaraha qaraxa ayaa waxa uu yahay mid muran uu ka taaganyahay iyadoo aan la ogayn tirade dhimnashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi maadaama uu ka dhacy goob saldhig ah.
Saaka ayaa waxa dadka Deegaanka ay isla dhexmarayeen in uu Sargaal sare ku dhintay oo dhawaanahan ka shaqeynayay burburinta goobaha ganacsiga iyo Calanka Soomaaliya oo dhawaan Ceelasha laga siibay.
Isku soo duube qaraxa qasaara badan ayuu sababay balse Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay diideen in la ogaado xog ku aadan qaraxaasi ka dhacay Deegaanka Lafoole oo qasaaraha uu ka soo gaaray saraakiisha Xizbul Islaam.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.