Qarax xalay ka dhacay Magaaladda Boosaaso

Posted on Feb 6 2010 - 7:44am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

boosaaso
Bosaaso(www.Bartamaha.com)Qarax xoogan ayaa xalay ka dhacay xaafadda Hawlwadaag ee magaaladda Boosaaso iyadoo la wararka ay sheegayaan in khasaaro u geestay Qaraxan.
Qaraxan oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu tuuray Guri ku yaala bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana guriga Bamka lagu tuuray uu ahaa Guri ay ku shiraan qaar kamid ah gudiyada 16-ka xaafadood ee magaalada Boosaaso kuwaasi oo ka arrinsanayay arimaha amaanka ee waayadan danbe sii xumaanayay.

Waxaa goobta ka maqnaa qaar ka mid ah Gudiyada Maamulka Gobalka Bari xilliga uu Qaraxa dhacayay oo aheyd habeyn.
Ciidanka amaanka magaalada Boosaaso oo goobta soo gaaray ayaa waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dameeyay qaraxaasi, iyadoo dadwaynaha magaaladda ay isugu soo baxeen goobta uu falka Qaraxa ah ka dhacay.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 1-qof oo rayid ah uu dhaawac ka soo gaaray qaxara kaasi oo la sheegay in uu ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Waa markii ugu horeeysay ee Qarax lala beegsado shirka Gudiyada Xaafadaha Magaaladda Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa siii xumaanaya amaankeeda iyadoona halkaasi ay ka dhacayeen qaraxyo xoogan oo lala eeganayay xarumaha ay degenyihiin Mas’uuliyinta magaaladaasi, waxaana xiliyada qaar magaaladaasi ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay Mas’uuliyiinta ugu sareysa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]