Qarax ciidamada dowladda Lagula eegtay Isgoyska Ex Contarol Afgooye

Posted on Apr 24 2010 - 2:26pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

qarax4 (1)

Bartamaha (Muqdisho)-Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Ex contarol Afgooye oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowlada KMG ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nuuca Ramuudka laga hago sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugnaa.

Kooxda Al-shabaab aya sheegatay in ay ka danbeeyaan Qaraxan ay la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda

Waxaa la sheegay in qaraxaasi ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ciidamadii lala eegtay waxaana halkaasi ku dhintay 2 askari halka mid kalana uu ku dhaawacmey sida uu Idaacada Shabelle u sheegay taliyihii qaraxaasi lala eegtay oo lagu magacaabo Max’ed Qataatoow.

“Qaraxa waxaa lagu dilay laba askari, mid kalena waa lagu dhaawacay, ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay” ayuu yiri Max’ed Qatatow oo ah taliyaha lala beegsaday qaraxa, iyadoo saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaab ay sheegeen inay qaraxa ku dileen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Xaalada goobta uu qaraxu ka dhacay oo daqiiqado jahwareer gaashay ayaa haatan degan iyadoo ay dib u bilowdeen isku socodka gaadiidka isticmaala Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasi oo uu saameeyay qaraxa xiligii uu dhacay.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan Qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah la eegata Ciimada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

xafiiska Bartamaha ee Nairobi,Kenya