Qabuura Faagista Shabaab iyo Qaaya tirista Diinta (Maqaal)

Posted on Apr 2 2010 - 1:59pm by News Desk
Tweet
Pin It

qabr3 copyUrururka Shabaab oo lagu yiqiin afkaar badan oo ay la yaabeen culimo iyo caamo badan ayaa lasoo if baxay habdhaqan hor leh oo in badan ku riday afkii baa juuqda gabay. Horey ayaa wixii lagu yiqiinay waxaa  ugu darnayd dhiig xalaalaysiga muslimiinta ama shacabka Soomaaliyeed oo qaarna murtad ku sheegeen qaarna dhibka kasoo gaara qaraxyada iyo dagaalkooda ku sheegaan in niyadooda lagu soo bixi doono iyadoo marar badan aan wax ka garaabis ama hakin  ah aysan ka samayn falalka ay in badan oo shacabka wax kasoo gaaraan oo dhimashadu ugu daran tahay.

Maalmahan waxay shabaab billaabeen hawlo ay ku faagayaan qabuurtii culimadii Soomaaliyeed ee saalixiinta ahaa ama dadka  Soomaaliyeed u ahaa hogaan diineed taariikhi ah wax badan oo wanaag ahna sabab ugu ahaa bulshada.

Shabaab waxay ku doodeen in culimadani la caabudi jiray sidaa darteedna ay qaadeen tallaabo ay ku faagayaan qabuurtooda lafahoodana ay iyaga oo qura uun ogaanayaan halka ay ku danbeeyeen si loo cirib tiro waxa ay ku sheegeen sanamyo ama wax ay dadku caabudi jireen!!

Inkastoo afkaar iyo falal gurracan looga bartay dhallintan ayaan hadana jirin cid falka si fiican uga hadashay marka laga reebo ahlu sunna oo canbaraysay. DKMG ah ayaan arrintan siyaasad ama diin ahaan midna uga hadal iyadoo taasi ay keentay in dadka qaar ku tuhmaan in tani ay u eg tahay meelaha ay mindhaa wadaada siyaasadda dawladda ku jiraa aysan wax badan uga aragti duwanayn shabaabka ama ay qaarkood ka baqayaan in lagu eedeeyo inay shirki difacayaan haddii ay arinta faagista iyo raad tirka qubuurtan ka hadlaan.

Mala Caabudaa qabuurta Saalixiinta?

Ilaa hadda inta laga war qabo ma jirta cid Soomaali ah oo sheegaysa in culimada ama salixinta la faagay qabuurtooda ay ilaahyo  ama eebbe yarayaal ahaayeen la caabudo ama iyaga toos waxl ooga dalbanayo oo sidaas wax ku tari karaan.  Waxa la isku hayo ee ugu badan waa in dadka saalixiinta ah lagu tawasuli karo ama fadligooda  Alle wax lagu weydiisan karo  iyaga oo aan kula noolayn saalixiintaasi ama inay  maqlayaan cidda ergo waydisanaysa oo Alle u wax weydiinayaan, oo culimada qaarna diin ahaan ogol yihiin qaarna diiddan yihiin. Waxaan meesha ka marnayn iyadoo ujeedka ahaa in lagu tawasulo  ama la ergaysto dadka saalixiinta ah waxaa mararka qaar dhaca khaladaad badan oo dadka caamada ah ay galayaan oo laga yaabo in falalkoodu xadkii tawasulka uu ka baxo oo isagoo mooda inuu barakaysanayo ama ku tawasulayo saalixiinta uu galo khalad aan qasadkiisa ahayn laakiin fal ahaan u sawirmi kara inuu alle cid kale la wadaajinayo ama jahli u geeyo in tallaabadii tawasulka meesha ka saaro oo uu adoonkii saalixa ahaa ee la lahaa Alle wax ii waydii isagii su?aashii toos ugu tabiyo.

Wixii khaladaad ah halkaasi ku jiraahi waa kuwa cilmi baris iyo u caqli celin lagu saxi karo saxwada islaamka ee Soomaaliyeedna ay wax wayn ka qabatay inta dhimanna u baahan in qancintaa lagu sii wado laakiin sida ay haatan shabaab u dhigeen waa mid uga sii daraysa oo waxyaale dhintay sii noolayn karta marxuumiinta maydkooda lafaagay iyo eheladoodana xad gudub ku ah.

Qaayatirka Saalixiinta iyo Qaladkooda ay ku muteen!

Tallaabadan  ay shabaabku ku faageen kuna  xurmo tireen culimadaa saalixinta ee Soomali ugu caansanayd  ayaa la is weydiin karaa muxuu ahaa khaladka Saalixiinta ay galeen oo ay ku waayeen xurmadii mayda muslimiinta caadiga ah lahaayeen oo ahaa in sharaf loo aaso loona daayo godkooda intii Alle kasoo saarayo? Qaladkoodu mawaxuu noqday inay saalixiin ahaayeen  oo laga raadtiro taariikhda? Saalxinimadu ma wax lagu dadaalo oo fiicanbaa mase haatan ka dib waxay noqon wax laga cararo si aan mustaqbalka qabrigaada loo faagan? Sowse qaayo tiris kuma ah diinta haddii saalixiinteedii sidaan loo galayo?

Ma khalad cid kale leedahay haddii uu jiro ayuu saalixu ku qaayo tir mudanayaa oo looga raad tirayaa taariikhda mise cidda khaldan ayay tahay in loo nasteexeeyo ama laga mamnuuca wixii khalad ah ee ay qabriga la dul timaaddo?

Uducayntii faraha badnayd iyo siyaaradii uu ka heli lahaa muslimiinta qabrigiisa soo booqaysay maxaa lagu seejiyey oo looga dhigay cid aan la ogayn meel lagu yaqaan ama lagu soo booqdo ama loogu duceeyo markii qabrigeeda la arko ama lasoo xasuusto?

Haddi qoladii sheekha raacsanayd oo aan laga qancin joojinta wixii khalad ah ee ka dul dhaca qabriyada xoog hortooda loogu ihaaneeyo sheekhoodii sharafta weynaa ma xumaan baa ku joogsanaysa sidaa mase qalbiyadooday qasriyaal uga dhisayaan oo ay hal abuuri doonaan hannaan kale oo intii qabriga ka dhici jirtay ka badan ku sii samayn karaan? Sowse colaad iyo isnac dhex marlaya muslimiinta iyo dhiigga daadan kara ama daadanaya falkii faagista darteed ah kama sii darna.

Dhanka kale sow xad gudub looma gaysan  eheladii culimada saalixinta wixii ka nool ee hortooda qubuurtii waalidkood lagu faagtay oo lagu ihaanaystay oo ay ugu xoog sheegatay cid aysan wax suldo sharci ah ku ogayn ama u aqoonsanayn oo xittaa aysan u ogolayn  in halka lagu aasayo lafahii waalidkood loo sheego haddii masaajid laga soo dhexaaray si ay berry u booqan karaan illayn cid kasta oo muslim ah waxay xaq u leedahay inay meydeeda aasato, qabriga ehelkeedana soo booqato oo u ducayso?

Maxaa Soomaalida oo dhan loo xurmo tiray  oo dadkii taariikhdooda kuweynaa sidaa loogu ihaanaystay? Xattaa  haddii gaalo Talyaani ama Ingiriis ah qabsadaan dhulka muslimiinta ama dhul kale sidaba horey u dhacday wax dhawraan oo kuma xadgudbaan raadadka taariikheed iyo dadka shacabkooda ku weyn ee taa xataa ma garan waayeen wiilasha soomaaliyeed ee la maskax dhaqay?

Ugu danbayn haddii ay qabriga salixintii hore ee saxaabada helaan ama anbiyada ilaahey oo uu ku jira nabi maxammed scw ma sidan bay u gali lahaayeen mase kuwan waxay ku eedaynayaan inaysan ku mad-hab ahayn oo suufiyo yihiin iwm.

Ugu danbayn falka dhacay waa mid aad u qaab daran oo in laga dhiidhiyo oo dhaleeceeyo u baahan  inkastoo ay kuwii noolaabaa ihaano iyo gowricis la iskugu daray hadan fal kasta oo gurracan waa in sidiiisa loo canbeereeyo waxna looga yiraahdo haba jireen falal ka xun ama la mid ahe.

Abdulkadir Abdi
[email protected]