Prof. Dalxa oo Shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga Kolaha Baarlamaanka

Posted on Apr 2 2010 - 11:18am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

DSC05543

Bartamaha (Muqdisho):- Gudoomiye xigeenka Golaha Baarlamanka Dawladda Federaalka Proff, Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxaa uu cadeeyay in 6-da bishan April uu dib u furmi doono kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kullanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in ku shiri doonaan Gurigii Ummada oo dayactir lagu sameeyay, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya ay Mudooyinkii ugu horeeyay ay ku shiri jireen Xarumo gumeel gaar ah.

“Baarlamaanka dhaxdiisa wax shaki iyo Khilaafah oo u dhaxeeya ma jiraan, Baarlamaankana wuu ka gudbay Caqabadaha hortaagan, wax caqabad oo naga hortaagan in lala xisaabtamo ma jiraan” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Kusimaha Madaxweynaha dawladda Federaalka ahna Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in Goluhu ay horyaalaan shaqooyin adag oo mudooyinkii la soo dhaafey u xanibnaa dhinaca Baarlamaanka, kuwaasi oo looga fadhiyo in ay go’aan ka gaaraan, waxaa uuna ka xusay qodobada horyaala Baarlamaanka in ay ka mid yihiin Heshiiskii dawlada iyo Ehlusuna dhexmaray, iyo la xisaabtanka xukuumada Federaalka.

Ugu dambeyn Proff, Dalxa waxaa uu laamaha amaanka dawladda ku wargeliyey in looga fadhiyo in ay xoojiyaan amaanka guud ee goobaha dawladu ka taliso gaar ahaan Aqalka Ummada oo ah halka loo dayactiray in ay ku shiraan Golaha Baarlamaanka Dawladda, taasi oo laga cabsi qabo in ay weeraraan kooxaha ka soo horjeeda siyaasada Dawladda.

Xafiiska Bartamaha ee Muqadisho.