Lamaanihii Ingiriiska Paul and Rachel Chandlers ayaa la sheegay inay Malaayiin Pound ka sameyn doonaan iibinta dhacdadii kala soo gudboonaatey Burcad Baddeedka Soomaaliya.
Lamaanihii Ingiriiska u dhashey Paul iyo Rachel Chandlers ee lagu haystey dalka Soomaaliya ayaa maalinimadii Talaada aheyd dib ugu soo laabtey dalkoodii kadib markii madax furasho laga siiyay burcadii afduubka ku haysatey.
Mr.Paul iyo Rachel iyagoo dalxiis ku ag marayay xeebaha dalka Soomaaliya ayay waxay gacanta u galeen burcad badeed Soomaali oo degan baadiyaha magaalada Xarar dheere, kuwaasoo 388 maalmood afduub ugu haystey lamaanahaan waayeelka ah, balse markii lacag madax furasho ah oo aanan la ogeyn cadada ay le egtahey , kusii daayay Axadii la soo dhaafey magaalada Cadaado oo dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.
Sida uu rumaysan yahay Max Clifford oo ah(Celebrity Publicist) waxay ka sameyn doonaan sheegista qorista dhacdadii la soo gudboonaatey Paul iyo Rachel $5Million, lacagtaas oo qayb ka mid ah waxaa lagu gudi doonaa lacagtii lagu soo daayay sida uu yiri mar uu la hadlayay Metro newspaper.
Paul iyo Rachel ayaa wada hadalo kula jira qubarada saxaafada (Media advisers) si ay heshiis ula gali lahaayeen kuwo raba inay ka sameeyaan sheekadooda qoroolo iyo wareysiyo (Book deals, magazine,newspaper interviews), taasoo lagu qiyaasay inay ku kici doonto Multi Million Pound daabacaada sheekadooda.
Paul waa 60 jir halka xaaskiisana Rachel ay jirto 56 sano, waxay degan yihiin magaalada Kent, kuwasoo dalxiis ku maraya wadamada Bariga Africa intii aysan dabinka ugu dhicin burcad badeedka Soomaaliya ku nool.
NB: Burcad baddeed kuwaan oo kale ayaa lagu tilmaami karaa ee afduubtey wayeelkan,laakinse ma dhihi karno kuwo inay ka daafacaan maraakiibta sida sharci darada uga jilaabanaya iyo kuwo sunta qashinka ku daabulaya baddaheena, yeynan iskaga kii qaldamin arimaha qaarkood,waayo waxaa la doonayaa in laga sii jeediyo indhaha Caalamka sharci darada lagu qabsadey Badda Soomaaliya.
W/D: Yusuf Yusuf
London
war waa tuugo iyaga maxaa geyey Somalia, in la waso ayey aheyd