Olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo Nadaafadda iyo bilicda magaalada kismaayo oo maanta ka bilowday Degmada kismaayo..

Posted on Nov 23 2009 - 10:45am by News Desk
Tweet
Pin It

ismac

Bartamah(Kismayo):- Iyadoo ay mudooyinkii ugu danbaysay nadaafad daro baahsan ay ka jirtay gudaha Magaalada Kismaayo islamarkaana la arkayay qashin buux dhaafiyay xaafadaha iyo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo ayaa maamulka wilaayada islamaiga ah ee gobollada jubooyinka waxa ay u istaageen sidii ay u soo celin lahaayeen bilicda Magaalada Kismaayo.

ilaa iyo dhowr xaafadood oo ka mid ah Xaafadaha magaalada Kismaayo ayay haatan si toos ah uga soconayaan howlahaasi nadaafadeed oo ay maalgalinayaan masuuliyiinta maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka.

Sheekh C/qani gurxan oo ah madaxa Fayadhowka iyo caafimaadka ee wilaayada islamaiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa sheegay in ay maanta bilaabeen howlo nadaafadeed kuwaas oo ay uga gun leeyihiin sidii ay u soo celin lahaayeen bilicda magaalada kismaayo islamarkaasina looga nadiifin lahaa qashinka yaal deegaanka.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo in ay ka qeybqaataan howshan islamarkaasina ay ku caawiyeen shaqaalaha qashinka ururinayo in ay dibadda ugu soo saaraan wixii qashin ah eek u jira guryahooda.

Howlahani nadaafadeed ee ka soconaya gudaha magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa ku soo beegmayaa xilli mudooyinkii ugu danbeeyay gudaha Magaalada Kismaayo lagu arkayay qashin buux dhaafiyay xaafadaha magaalada islamarkaana buuro dhaa dheer ka sameeyay qaybo kamid ah magaalada Kismaayo,waxaana sidoo kale howlahani ay ku soo beegmayaan xilli ay haatan roobab ka da’ayaan qaybo kamid ah gobolka Jubadda hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

 Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com

 

ICC

Bartamaha News

Kismayo-Somalia