Bartamaha (B/Weyne):- Waxgaradka Magaalada Balad-weyne Ee Gobolka Hiiraan  ayaa ka dalbaday Ciidamada Dowlada Fd ee dhawaan la wareegay deegaanadaasi in ay wax ka qabtaan xaalkada Ammaanka Gobolka.
Odayaasha Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in xaalada ammaan daro ay ka jirto magaalada B/Weyne gudaheeda iyo daafaha magaalada oo ay sheegeen in shacabka deegaanadaasi ay dhibaato xagga ammaanka ah ay ka soo gaaratay.
Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen qaar ka m ida rakkabka gawaarida ka timaada magaalada Muqdisho oo intooda badan lagu dhibaateeyay duleedka B.weyne.
Baaqan ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xilli magaalada B/weyne ay ammaankeeda la daalaa dhacayaan ciidamada dowlada balse aanay si rasmi ah uga arimin qeybaha kale Ee Gobolkaasi.
Xafiisba Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.