Bartamaha — Ma ogtahay akhristow inay jiraan Soomaali ka shaqaysata beeraha wadanka New Zealand?, Video-gan oo lagusoo qaatay Barnaamijka Wargelin ayaa ku tusaya nolosha Soomaalida ka shaqaysata beeraha tufaaxa, canabka iyo kiwi-ga.
Magaalada Hastings ee dalka New Zealand ayaa hoy u ah Soomaalidan iyagoo isla degan intooda badanna ay u yimaadaan siday lacag uga samaysan lahaayeen beeraha guridooda.
Filinqaadaha Cabdisalam Caato ayaa isagoo ka shaqaynayay filin Documentary ah safarna ku marayay New Zealand ayaa la kulmay dhallinyara beeraha gurta.
Daawo: