Nin Xalay lagu dilay Gudaha Magaalada Boosaaso iyo howlgalo saaka socanaya.

Posted on Jan 31 2010 - 6:31am by News Desk
Tweet
Pin It

BossasoBartamaha(Boosaaso):-Kooxo bastoolado watay ayaa xalay gudaha Magaalada Boosaaso ku toogtay nin rayid ah iyadoo howlgalo baaritaana ah saaka uu ka socanayo gudaha Magaaladaasi.

Koox aan la garan ayaa xalay dilay nin madax ka ahaa Urur wadani ah oo ka shaqeeya howlaha Waxbarashada Gobolka Bari kaasi oo ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa Boosaaso.

Kooxda dilka u geystay Marxuum C/laahi Mahdi Sayid ayaa waxa ay ahaayeen 3-dhalinyara ah iyadoo ay rasaas ku kulmiyeen ka dibna ay ka tageen ninkaasi oo mayd ay ku hubsadeen.

Dilka Xalay ka dhacay Magaalada ayaa waxa uu ahaa mid naxdin leh markii la dilay ninkaasi Macalinka ahaa mareka madax u ahaa Hay’ad Wadani ah oo ka shaqeysa dhanka Waxbarashada.

Ciidamada Ammaanka ayaa saaka bilaabay howlo baaritaana ah oo ay doonayaan in ay ku ogaadaan Kooxdii Xalay dilka ka geystay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Baaritaanka ayaa waxa uu yahay mid ay wadaan Ciidamada Booliiska iyo kuwa PIS-ta oo lagu arkayay saaka wadooyin badan oo ka mida Magaalada Boosaaso  oo dhawaanahan ahayd goob dilalka arxan darada ah ay joogta ka noqdeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.