Bartamaha — Axmed Cali Xuseen “Axmed Kayse” ayaa u sheegay Al Shabaab inuu ahaa Jaajuus wadamada reer galbeedka ah u shaqaynayay waana sida uu ku sheegay labada qeybood oo aan hoos idiin dhignay, laakiin nasiib darro kadib markuu sheegay wax walba ayaa Al shabaab ay dileen Kayse.
Codkan ayaa aysan la socon wax sawir ah waxaana lasoo galiyay shabakadda Alshabaab la shaqaysa, Annaguna (Bartamaha) ma cadayn karno ninkan iyo xaaladiisa dhabta ah.
Maamulka Bartamaha ayaa go’aan ku gaaray inay sheekadaan soo tebiyaan maadaama aanu nahay dhexdhexaad oo aanan qolana u adeegayn isla mar ahaantaas sheekadaan dhagaysigeeda ayaa iyaduna u baahan waqti inaad siisaan, go’aanka inay dhab tahay iyo inkale idinkaan idiin daynay ee fikradiina ka dhiibta.
PART 1-
PART 2-
Waa wax la sameeyey!!
Nimankaan dhiigga ummadda muslimka ah ayey marmarsiiyo u yeelayaan.
Sidaas awgeed, maqalkaan waa mid la sameeyey.
Ha aaminina waa tuug been laawayaal ah.
wlhi wa qiso la yab leh axmed kayse wuxuu ahaa taariikhidisa ahaan nin
loo han weynaa oo islam ah muslim ah inkasto qalbigisa ilahay ogyahay qof walba\
hadna nin waxasi ka surtowdo mu ahayn lkn allah aya wax walba og \
hadi ay run shegayaan kuwani allah aya og hadi axmed kayse sida ahana allah aya
og hadi ay ka sameyana allah aya og. lkn kuwani mafiicna ayan filayaa