Minnesota:Ciwaanka maqaalkaan waxaa qoray Associated Press maalintii Sabtida ahayd Nov,07,2009 Ciwaanku wax uu ahaa sida aan kor ku sheegnay ama sidaan Weerarkaan oo kale oo Muslimlimiinta America cabsi iyo dhib ku soo noqota oga tagaya Another attack leaves US Muslims fearing backlash .bal aan qaado dhigno war bixintaan oo Macluumaad Badan oo Muslimiinta America la xiriirta wadata ama Xambaarsan.
Nin warbixinta lagu sheegay inuu yahay Professor oo Golaha Congress ka Maray kanka ama Golaha guurtida hadba sida aad u taqaanid ayaa Aqalka cad ee Maraykan looga taliyo iyo La taliyayaasha Aqalka u cadeeyey in Muslimiintu ay aad oga caraysan yihiin Dhacdadii For hood ee ay ku dhinteen 12 Askarta Maraynka ah iyo 1 qof oo rayida isla markaana ay Muslimiintu ka cabsanayaa in la helo dad Muslimiinta America ka soo horjeeda oo Cadaawad iyo Cuqdad u qaada.
Sida Loo Dareemay Cabsida Muslimiinta iyo Deeranka Dadka aan Muslimiinta ahayn
War bixintaan waxaa lagu sheegay Muslimiinta Dagan Gobalada Kala ah Washiton iyo Chicago iyo Qayba ka mida Californiya sida Orange County in Cost Mesa iyo Silver Spring iyo Gobala kale in ay Dalbadeen Maalintii Jamcada ahayd Booliis ilaaliya Xurumaha Muslimiinta ka dib markii ay heleen fariimo Xanbaarsan Hanjabaadyo iyo Nacayb ka imaanaya Shacabka Maraykanka ee aan Muslimka ahayn. Dhinaca kale Idaacadaha Maxaligaa sida Raadiyayaasha Bandhiga dad ka hadlayey ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa Dadkaan waxay noo sheeg een in ay nala dagaalsan yihiin marka waa in aan la dagaalnaa iyo waa nala dagaalameen hadda waana nala dagaalami doonaan iyo waa in aan lagu darin Ciidamada Maraykanka  Halkan ka Daawo aragtida Shacabka Maraykanka ee aan Muslimka ahayn iyo  Urur ka Cair Golaha Muslimiinta Marayka u Qaabilsan Saaxibtinimada Dowladda Maraykanka iyo Muslimiinta America waxaana u hadlay Mohamed Malik Halkaan ka Daawo
Madaxda Muslimiintu Maxay ka tiri Cabsidaan Soo foodsaartay
Waxaa ka hadlay Maamulaha Golaha Muslimiinta ee Cair Hussam Ayloush ee Southern California. waxuuna yiri waxaan Muslimiinta oga digaynaa in ay iskaga hadlaan wax kasta oo aan Muhiim ahayn iyo gees isku taagid ama kaligiis soco shanimo wakhtigaan waa xiligii aan midayn lahayn Muslimiinta Maraykanka waa in aan noqonaa dad adag waxaa soo gaaray Ururada Muslimiinta Hanjabaadyo iyo Emailo Xanbaarsan Nacayb iyo Colaad.
Marka laga soo gudbo Golaha Muslimiinta Maraykanka ee Qaabilsan Saaxiibtinimada Dowladda Maraykanka iyo Muslimiinta waxaa Saxaafaadda la hadlay Culumo Awdiin iyo Ganacsadayaal Sh Mohamed C/laahi oo Imaam ka ah Masaajid ku yaala Silver Spring
oo uu ku tokon jiray Dhakhtarka Askarta laayey hadda ka kor inta uusan ka soo guuran Gobalkaas Maryland Magaalada Silver Spring Sh Mohamed C/laahi ayaa Khudbadii Jamcihii la soo dhaafay oga hadlay dhacda daan waxaana hadaladii Sh Mohamed C/laahi ay Associated Press soo xigatay ka mid ahaa Waxaan u sheegaynaa Dariska Masaajidka Xurunta Muslimiinta iyo Shacabka Maraykanka in arintaan aan ka xunahay Muslimiinta iyo Diinta Islaam kuna aysan Masuul ka ahayn waxaana ku waani naynaa in ay isdajiyaan.
Imaamka Xurunta Islamic Education Center ee ku Taala Calaforniya Orange County Imaam Mostafa Al- Qazwini ayaa yiri Markasta oo aan Maqalno eray Carabi ah oo xagayaga u soo leexanaya laba jeer ayaan qaracanaa ama Muraal dilaacnaa oo niyad jab nagu dhacaa sida dhacdadaan oo kale waxaanu ka wal walaynaa in ay dhibaato nagu soo noqota ay ka dhalato ama ka tagto dhacdadaan..
Andre Carson oo ah Nin ka labaad oo Muslim ah kana mid ah Golaha Congress ka Maraykanka Gobal ahaana ka soo Jeeda Indiana ayey war bixintu sheegtay in uu yiri waxaanu ka digaynaa in diirada lasaaro Qofka diintiisa ee amay haboon tahay in loo celiyo xagga Caafimaadka Maskaxda Suurta gal ma ahan in ay Muslimiinta ku soo laabato in ka badan Ficilkii Timothy McVeigh’s ee ku soo laab tay dad ka rumaysayn Christianity Diinta Masiixiyiinta Andre Carson wax uu madax ka yahay Hay’adaha ladagaalanka Argagaxisada qayb ka mida ee Gobalka Indiana gaar ahaan qaybta Homeland Security waxuuna ka soo
jeedaa Qoys Milatari ah ama askar u badan
Robert Salaam oo ka mid ahaan jiray Ciidamada Badda ee Maraykanka Diinta Islaamkana qaatay sida war bixinta lagu sheegay weerarkii September 11 ka dib Madaxna ka ah Raadiyow Bandhiga sameeya kana hadla arimaha Muslimiinta khuseeya ayaa yiri Run ahaantii waan Neeftuurayaa cabsi ayaan dareemayaa waayo dad ayaa dhintay raali galin ayaan siinayaa dad ka aanan aqoonta u lahayn Ilaahayow waxaan kaa rajaynayaa in uusan Muslim noqon qofka waxaan sameeyey.
Halkan ka Akhri warbixinta Muslimiinta ay ka qortay Associated Press
Fariimaha La isku Dhaafsaday War Baahinta Gudaha Maraykanka
Dhinaca kale Idaacad ay leeyihiin Muslimiin African American ah oo Barnaamij arin taan ka qabatay ayaa sheegtay in ay jiraan Raadiyayaal sameeya Bandhig ay si cadaalad daraaa ama buun buunin ay ku jirto arintaan u qaadaadhigay waxay na soo daayeen cododkii ay siidaayeen waxaana ka muuqatay caro hase yeeshee Raadiyahan Muslimiinta African Americanka waxayna sheegeen in Diinta Islaamku ay Nabad iyo Naxartiis tahay Diin kastana laga helayo dad waalan oo seef labood ah waa sida ay hadalka u dhigeene. Dhanka kale Idaacadda eedda loo soo jeediyey ayaa jawaab ka bixisay sheegtayna Haddii Argagaxiso jirto maxaa diidaya in la sheego Halkan ka Daawo Muslimiinta Texas iyo Masaajid kooda iyo dad ka ka hadlay iyo Fariimihii Idaacadahu hawada isku mariyeen
Minnesota iyo Dareenka Soomalida Dagan
Wali ma jirto cid ka hadashay dhacdadaan wax saamayn ahna kuma yeelan sida Gobalada kale ee aan kor ku sheegnay Culumada Gabalkaan oo waanag iyo Daganaasho iyo Daris wanaag ugu baaqda Shacab Soomaliyeed ayaan wali ka hadlin waxaase dad badan u arkaan in dhiira galinta iyo wanaaga oo laga siishaqeeyaa ay tahay mid aan laga fariisan lagana gaabin howsheeda. Majiro Gudi Soomaliyeed iyo dad isku xilqaamay sidii ay wadankaan maraykanka qayb oga noqon lahaayeen Nabadda ay soo raadsadeena ay u adkayn lahaayeen taas oo macna weyn ku fadhida ayada oo horay Soomalida Fartu ku fiiqnayd Madaxweyne Sharif Sh Ahmed na waxuu oga tagay Kala qayb sanaan iyo Aragtidii Soomalida iyo Ducaadda iyo Culumada oo sii kala fogaatay.
Khudbadii  Sharif Sheikh Ahmed ayaa waxay Waaridiinta Soomaliyeed ka dhex abuurtay aragti kala gadisan ayaga oo dad ka qaarkood rumaysteen in ay Masaajidda la iska soo galay ama laga sheego aragti amaanka Maraykanka iyo ilmaha noolashooda ka soo horjeedda waxaana la oran karaa waa dareen aanan horay u jirin oo Madaxweynuhu keenay Dalkan Maraykanka waxaana jiri jirtay Xili Culuma Awdiinka iyo Ducaaddu ay ku tilmaami jireen Dacaayad iyo been abuur in lagu samaynayo Masaajidda hadase waxaad moodaa arintaas beeninteedu iyo Difaacida Masaajiddu in ay tahay wado uu soo xiray Madaxweyne Sharif Sh Ahmed.
Mana jirto cid sharaxaad dheeraada ka bixisay doorka iyo muhiimada ay ugu Fadhiyaan Masaajiddu Guud ahaan Muslimiinta Gaar ahaan Soomalida oo Diintooda iyo Dhaqankooda ku ilaashada Xurumaha ama Goobaha Wax barashada iyo Cibaadada ee sida gaarka ah ay u leeyihiin Soomalidu waana arinta ay inta badan Madaxda Gobalkaan ee aan Muslimka ahayn kana mid ah Dowladda Maraykanka ay ku amaanayaa Soomalida ayada oo mararka qaarkood lagu tilmaamo Astaamo ama Calaamado ay oga gadisan yihiin Dadyowgii Gobalkaan oga soo horeeyey oo ay hor mar ka sameeyeen Gobalkaan Minnesota wax weyna ku soo kor dhiyeen Dalka Maraykanka gaar ahaan gobalkaan oo Soomalidu u badan tahay.
_________
Waxaa isku Soo Duba Riday
Abdiwali Bashir Warsame
(Ustaad Dalboon)
Minnesota Minneapolis
Halgan.net