Muqdisho oo weli qasan iyo Madaafiic qasaara gaystay.

Posted on Oct 7 2010 - 9:57am by News Desk
Tweet
Pin It

downloadBartamaha (Muqdisho):- Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa weli qasan ka dib dagaalo muddo dhowr cisho ah toos uga socanayay xaafadaha Caasimada Muqdisho.

Jawiga guud ee Xaafadaha Degmada Hodon ayaa weli qasan ka dib markii muddo dhowr cisho ah uu ka socanayay dagaal u dhexeeya Ciidanka Amisom Iyo Kuwa Dowlada oo dhinac ah iyo Islaamiyiinta shabaab oo Xizbul Islaam kaalmaynaya.

Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacayaa Fagaaraha Terbuunka iyo Xaafado  badan oo ka mida Degmada Hodon Muqdisho oo ay isku hayaan Xoogaga Mucaaradka iyo Amisom oo Cidianka Dowlada kaashanaya.

Jawiga ayaa waxa uu yahay mid maalintii afaraad aad u qasan dhammana xaafadaha Degmadaasi Hodon waxaana saaka la maqlayay Madaafiic iyo rasaas ay isdhaafsanayaan Amisom iyo Islaamiyiinta.

Dhorw Madfac oo aruurnimadii saaka la is dhaafsaday ayaa waxa ay qasaara ka gaysteen xaafado ka mida Suuqa Bakaaraha iyo sidoo kale qeybta Khudaarda Suuqa oo rasaasta iyo madaafiicda laga shaqeysan waayay.

Inta la ogyahay dhowr madfac oo ku dhacday hareeraha Suuqa Ganacsiga Ee Bakaaraha ayaa waxa ay sabab ka dhigeen dhimashada 2-ruux iyo dhaawaca inta la ogyahay 10-ruux oo badankood laga qaaday hareeraha Bakaaraha.

Lama oga qasaaraha gaaray Amisom iyo Dowlada oo dagaalka socanaya qeyb weyn ku leh waxaana ay weli yihiin kuwa ku soo siqaya xaafadaha ay haysteen Islaamiyiinta Mucaaradka oo goobo badan hada laga soo saaray.

Wixii ku soo kordha Jawiga Deegaanka kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].