Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xasiloon ka dib dagaal xoogan oo ka dhacay shalay galinkii danbe Degmooyin ka mida Woqooyiga Muqdisho.
Dagaalka shalay dhacay ayaa ahaa mid xoogan oo aan dhawaanahan ka dhicin Deegaanada dhaca Woqooyiga Magaalada oo in ka badan 3-Bilood ay Islaamiyiinta iyo Dowlada isku hor’fadhiyaan.
Xaalada ayaa saaka ah mid xasiloon oo aanay ka dhacaynin rasaas iyo dagaalo intaba iyadoo ay dhinteen illaa 4-ruux madaafiic ku dhacday shalay Xaafado Kaaraan ka tirsan.
Dhawaanahan Deegaanada Woqooyiga Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen kuwa xasiloon wallow shalay qalqal uu galay ammaanka Degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo ay dad ku soo gurya noqdeen
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.