Muqdisho oo saaka dagan iyo qasaarihii ka dhashay madaafiicdii shalay magaalada la isku dhaafsaday oo sii kordhaya.

Posted on Aug 16 2009 - 5:20am by News Desk
Tweet
Pin It

Muqdisho dagaalBartamaha (Muqdisho):- Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib markii shalay galinkii danbe madaafiic la isku dhaafsaday Xaafado ka mida Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Jawiga guud Ee Caasimada Muqdisho ayaa xasiloon ka dib markii shalay galinkii danbe madaafiic la sikud haafsaday Magaalada taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartay.

Qasaaraha madaafiicdii shalay lagu garaacay Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid saacad waliba sii kordhaya iyadoo geerida la xaqiijyay in ay marayso 10-ruux halka dhaawaca la geeyay Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho ay gaarayaa 25-ruux kuwaasi oo badana ah dad shacab ah.

Madaafiicda ayaa waxa ay ahaayeen kuwa lagu garaacay Degmooyinka Xamar Jajab,Wardhiigley iyo Shibis iyo Karaan kuwaasi oo ahaa kuwa ay isdhaafsanayeen Ciidamada Islaamiyiinta iyo Dowlada Fd Soomalaiya iyo Xarumaha Amisom.

Qasaaraha shacabka Muqdisho ka soo gaaraya madaafiicda ayaa waxa ay noqdeen kuwa joogta ka noqday deegaanada la isku horfadhiyo  Ee Muqdisho iyo Xarumaha duqeymaha loo geysto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.