Bartamaha(Muqdisho):-Alshabaab ayaa maalintii Labaad Xanibaadku haysa Ganacsatada Hilibka Geelka iyagoo u diiday in lagu gowraco Suuqyo ku yaala Muqdisho.
Cali Maxamed Xuseen Gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka hadlay sababta ay Hilibka Geelka u mamnuuceen Labadii Maalmood ee la soo dhaafay.
Gudoomiyaha Alshabaab Muqdisho waxa uu sheegay in Hilibka Geelka ay u diideen in lagu Gowraco ama lagu kala iibsado Suuqyo ku yaala Degmooyinka Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay Caafimaad xummo ka dhaxli jireen Iibsiga iyo Cunida Geela maadaama ay Nadaafad xummo muuqata lagu qali jiray Hilibkaasi.
Suuqa Dayniile ayaa guud ahaan lal mamnuucay in lagu Gowraco Xoolaha markii Caafimaad daro ay ka sheegeen saraakiisha Alshabaab Muqdisho oo faray in Geela lagu soo qalo Kawaanka Gowraca Degmada Kaaraan.
Muddo Laba Maalmood ah dadka ku dhaqan Degmooyin ku yaala Muqdisho ma aanay arki Hilibka Geelka markii Alshabaab ay xanibaad saareen Suuqyo si qaldan loogu qali jiray Geela.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.