Muqdisho oo dhaqdhaqaaq Ciidan kii ugu xooganaa laga dareemayo.

Posted on Feb 6 2010 - 7:58am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06930Bartamaha(Muqdisho):-Abaabul dagaal iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyadoo Cabsida dagaal guud ahaan ay Magaalada saamayn ku yeelatay.

Ciidamo xoogan oo ay Dowlada leedahay ayaa lagu daadiyay Degmooyinka Muqdisho iyo guud ahaan aagaga ay isku horfadhiyaan Islaamiyiinta iyo Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Ciidamo Darees Cusub watay oo dadka magaalada ay kuu sheegayaan in laga keenay Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu arkayay Guud ahaan aagaga ay isku horjoogaan Alshabaab iyuo Askrata Dowlada.

Ciidanka Cusub ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa aad u hubaysan islamarkaana watay gaadiidka dagaalka iyo hubka gacanta kuwaasi oo dagaay gobo cusub oo magaalada ah.

Askarta Cusub ayaa waxaa si weyn loo dhigay Degmada Dayniile iyo Shibis oo ah labada aag ee dagaalada ugu xoogan ay ka dhacaan iyagoo fariisino ka samaystay goob aan ka dheereen Kuliyadii Jaale Siyaad iyo Hotelkii Global oo ah labada dhinac ee magaalada.

Xaalada ayaa ah mid aad u culus oo Cabsi dagaal dhalisay waxaana dhanka Mucaaradka laga dareemayaa guluf la mid ah midk ay Dowlada wado waxaana Ciidamo ay soo galiyeen aagaga dagalka ee Degmooyinka la isku horfadhiyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.