Moses Wetangula “Somalia waxaa galay Dagaalyahano ka socda Ciraaq,Afgaanistan iyo Pakistan..”.

Posted on Jul 8 2010 - 5:08pm by News Desk
Tweet
Pin It

WetangulaBartamaha  (Nairobi):- Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dalka soomaaliya ay galeen Dagaalyahano Ajaanib ah si ay u huriyaan Colaada Soomaaliya.

Moses Wetangula Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Kenya ayaa shaaca ka rogay in dalka Soomaaliya ay galeen dagaalyahano Ciraaqiyiin,Afgaanistaaniyiin iyo Pakistaaniyiin

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Wareysi  siinayay Wakaalada Wararka AP ayaa waxa uu sheegay in dalka soomaaliya xaaladiisa ay sii xumaanayso.

“Somalia waxaa galay Dagaalyahano ka socda Ciraaq,Afgaanistan iyo Pakistan.., ma garan karo cadadka rasmiga ah ee ajaanibta laakiin maalin waliba ayay galaan dalkaasi” ayuu yiri Wetangula.

Wasiirka waxa uu xaqiijiyay in xaalada soomaaliya ay ka sii darayso tan iyo markii ay dalka yimaadeen Kooxahan ajaanibta ah oo si sahlan uga kala imaanaya Pakistan,Afghanistan iyo Ciraaq.

Wetangula waxa uu ugu danbayn ka digay in kooxahan ajaanibta ah in ay ku xad gudbaan deegaanada kala duwan ee geeska Afrika oo aad ugu nugul kooxahaasi Ajaanibta ah.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli wadamada IGAD ay go’aamiyeen in soomaaliya la geeyo ciidan deg deg ula shaqeeya Dowlada KMG ah kuwaasi oo la ogolaaday in la diro 2.000-askari oo caawiya Dowlada KMG ah.

————————————

Source:-AP.