Minnesota oo Laga Taageerey Shirkii Nairobi

Posted on Oct 18 2009 - 4:02am by News Desk
Tweet
Pin It

NINKAKa dib markii in dhaweyd shir loo  fadhiyey wadanka Kenya, magaalada Nairobi, ayaa waxa  ka soo baxay guulo wax ku oola, taabanayana danaha dadka Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC). Gudoomiyaha Jaaliyada SSC iyo dhamaan jaaliyada SSC ee ku nool Minnesota, oo si buuxda u taageeray baaqii ka soo baxay shirkii Nairobi.

Gudoomiyaha jaaliyada Mudane Khaliif Jaamac oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirka hadana ku sugan magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku booriyey in si buuxda loo taageero GUULIHII ka Soo BAXAY shirka iyo Hamada ay u leedahay dadka ka soo jeeda Sool, Sanaag, iyo Cayn. Gudoomiyaha ayaa ka codsaday jaaliyada Minnesota in ay isku yimaadaan oo ay xaflad weyn u sameeyaan ay ku muujinayaan taageeronimadooda.

Gudoomiyaha  ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay dad inta isku yimaadaan in ay waxa wada gaadhaan, iyagoo ka duulaya dano gaar ah iyo mid guud. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la sameeyo shir weyn, lagu taageerayo shirkan ka dhacay Nairobi.

Mar uu Gudoomiyaha Khaliif hadalka sii watay waxa uu ka digay in aan la isku dayin in laga horyimaado , waayo dadkan shirka tagay dhamaantood iyaga ayaa is xilqaamay in ay wax u qabtaan bulshada ay matalaan, waxana fiican in la siiyo waqti ay wax ku qabtaan, laguna xisaabtamo wixii ay qaban waayaan. Gebogabadii ayaa gudoomiyaha waxa uu u duceeyey dhamaan dadkii xilka dhabarka u ritay in ALLe wax la qabto.

Somali Media
Abdimalik Askar