Midowga Yurub oo seefta gasha kala baxay una soo jeestay la dagaalanka Burcad Badeeda.

Posted on Feb 26 2010 - 3:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha(Somalia):-Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Midowga Yurub ayaa heshiis ku gaaray in burcadbadeedda Somalia lagula dagalaamo xeebaha, halkaasoo ay sheegeen inay tahay saldhigga ay kasoo duulaan, sidoo kelana la geeyo Maraakiibta meel xeebaha Somalia u jirta 1,000-km.

 

Qodobbadan labada ah ayaa la sheegay in la meel marin doono dhamaadka bisha soo socota, waxaana la kordhin doonaa Maraakiibta dagaal ee ku sugan Somalia, si ay howlgalkan uga miro-dhaliyaan hakinta burcadbadeedda.

Wasiirrada Gaashanadhigga Midowga Yururb ayaa sidoo kale isku raacay in lagu ballaariyo howlgallada la dagaalanka Burcadbadeedda Badweynta Hindiya, taasoo ay ku sheegeen inay tahay halka ugu badan ee Maraakiibta lagu qafaasho.

EU to step up operation against pirates “Dalalka Midowga Yurub waxay diyaar u yihiin inay kordhiyaan qalabka ciidan ee kaga sugan Somalia, sida diyaaradaha dagaalka ee sahanka sameeya” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka Spain kaddib markii uu dhamaaday shirkan oo ka dhacay Magaalada Mallorca ee dalka France.

Taliyaha Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somalia oo u dhashay dalka Britain Admiral Peter Hudson oo shirka ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay tallaabada ay isku raaceen Wasiirrada Difaaca Midowga Yurub kuwo horumar ka sameyn kara la dagalaanka Burcadbadeedda Somalia.

Sidoo kale Wasiirradan waxay isku raaceen in lasii adkeeyo heshiisyada ay kula galeen Kenya iyo Seychelles inay noqdaan dalal lagu maxkamadeeyo laguna xiro burcadbadeeda lagu qabto badaha Somalia.

Gabagabadii, Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay tababarrada ay Midowga Yurub siinayso ciidamada Dowladda Somalia, kaasoo ka dhacaya dalka Uganda, waxayna xuseen inay sii wadayaan inta ay Dowlada awod ka yeelanayso.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.