Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Midowga Afrika ayaa dhamaan wadamada beesha caalamka ka dalbaday wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada KMG ah intaba si loo gaaro nabad iyo kala danbayn dalkaasi ka dhalata.
Wakiilka Midowga Afrika ee Dalka Soomaaliya Nocolas Bwakira ayaa caalamka ka dalbaday in la saacido dowlada soomalaiya si ay meel uga soo jeesato Xoogaga Mucaaradka ah ee qatarta badan ku haya jiritaanka dowladaasi .
Nicolas Bwakira ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay ka soo qeybgaleen Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobe,Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, midowga Yurub,Maraykanka iyo Khubaro kale kuwaasi oo dhammaanba ka tashanayay xaalada dalka soomaaliya.
Nicolas Bwakira ayaa ka digay haddii caalamka aanu wax ka qaban dalka soomaaliya in ay ku baahi-doonto dhibaatada dhammaan wadamada gobolka islamarkaana ay keeni doonto dhibaata saamaysa qaarada Afrika.
Kulanka labada maalmood ka socday Magaalada Nairobi ayaa waxaa looga arinsaday xaalada dalka soomaaliya iyadoo dhammaan wadammaank dhinacyada kulankaasi ka qeybgalay ay sameeyeen balanqaadyo aan la oagayn waxa ka fuli doona.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.