Bartamaha (Muqdisho):-Maydka Nin Ajnabi ah ayaa saaka lagu arkay Xeebta Xamarweyne Ee Magaalada Muqdisho.
Dadka indhaha saaray maydkan ayaa waxa ay cadaynayaan in qofkan maydka ah uu yahay qof midab cadaan ah leh oo aan soomaali u dhalan kaasi oo la dilay.
Jidka ninkan maydka ah ayaa la soo sheegayaa in dhanka qoorta ay garaafa kaga taalo taasi oo loo badiyay in lagu ceejiyay Xarig ama gacanta sidaana uu ku qur baxay.
Maydkan waxaa goobra xeebta ah ka soo qaaday ciidanka dowlada oo ay saraakiil la socdeen kuwaasi oo maydka geeyay mid ka mida saldhigyada Amisom si loo baaro.
Lama garanayo cida dishay ninkan waxaana shaki laga qabaa in ay dileen islaamiyiinta Mucaaradka oo inta badan dhulka xeebta ah haysta marka laga reebo degmooyin kooban oo dowlada ay hada haysato.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.