Maydad Xalay la soo dhigay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.

Posted on Mar 10 2010 - 7:41am by News Desk
Tweet
Pin It

da6Bartamaha(Muqdisho):-Mayadad dad la dilay ayaa saaka lagu arkay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho taasi oo lala xiriirinayo is ugaarsiga ka dhexeeyo Islaamiyiina Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Saaka waxaa Maydad lagu kala arkay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala xiriirinayo is ugaarsiga ka dhexeeya Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo shalay dad isaga dilay magaalada.

Xaafada Nasii-Buundo ee Degmadsa Shibis ayaa lagu arkay Maydka nin watay dareeska cagaaran kaasi oo ay kala qaataan Alshabaab iyo Xizbul Islaam kaasi oo aan la garanayn kooxda uu yahay.

Mayd kale ayaa lagu arkay xaafad ka mida Degmada Wardhiigley kaasi oo rasaas ay dushiisa ka muuqatay wallow aanan la garan kooxda uu ka mid yahay.

Dilalka Xalay ka dhacay Magaalada ayaa waxa lala xiriirinayaa Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam  oo shalay muqdisho isaga dilay saraakiil sare.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.