Maxkamada ayaa sheegtay in dadkaan afar bilood aay ku jireen xabsi ku yaala dalkaasi waxaana la sheegay inay doonayeen magan galyo siyaasadeed ama iney helaan aqoonsi qaxootinimo sida aay shegtay maxkamada dalka Malawi wexey maxkamada go.aamisay in la sii daato.
Maxkamada dalka Malawi waxaa aay dadkaa ku eedeysay inay yihiin qaxooti aan sharci heysan oo gaaray ilaa 200 ruux kuwaasi oo la sheegay inay yihiin somali iyo ethiopian Qaadiga maxkamada magaalada Mzuzu oo lagu magacaabo Dingiswayo Madise ayaa sheegay in Soomaaliya gabi ahaanba xaaladda ka jirta ay tahay mid colaadeed, Itoobiyana qaybo ka mid ah ay ka jirto xaalad ay dadku dhibaato ku qabaan, sidaasi darteed dadka ka yimaada wadamadaasi loola dhaqmo si ku dhisan xuquuqul Isnaanka caalamiga ah.
Qaadiga maxkamada dalka Malawi ayaa ugu danbeytii go,aamiyay in lasii daayo tirade dadkaas ayaa lugu sheegay 200 ruux oo isugu jira itoobiyaan iyo soomaali .
Ugu danbentii Madise ma sheegin 200 ee qof inta Soomaali ah ama inta Itoobiyaan ah, waxaana dawlada wadankiisa uga digey inay inta dadka ajaanibta ah ee doonaya magangalyada xirin inay maxkamada u soo gudbiso si ay u kala cadeyso qofka ramsiga ah ee qaxootiga ah iyo kan sharci darada wadanka ku soo gala.