Bartamaha(Muqdisho):-Maxkamada Darajada 1-aad Ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta xukun ku riday rag dhawaan ka fashilmay isku day afduub diyaaradeed garoonka Boosaaso.
Maanta ayaa maxkamad si rasmi ah loo soo tagay dhalinyaro loo xeray isku day afduub diyaaradeed oo ka dhacay Magaalada Boosaaso bishii la soo dhaafay xiligaasi oo la qabtay ragaasi.
Maxkamda ayaa waxa ay xukun 2-sano oo xarig ah ku riday magacyada hoos ku xusan:-
Ragga xukunka Xabsiga ah uu ku dhacay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:- /risaaq Cumar Aadan,Axmed Mire Ciise,iyo C/rashiid Axmed Cali oo horay loo qabtay xilli ay la socdeen Diyuurada Daalo oo ay dooneen in ay afduub kulka dhaqaaqaan wallow uu fashil ku dhamaaday isku daygaasi.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad C/risaaq Xaaji Aadan ayaa waxa uu sheegay in xukunkaasi uu ku dhacay dhalinyada markii ay qirteen isku dayga dimi halis ahaa .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.