Maxkamada Alshabaab Gobolka Banaadir oo Xukuno ku riday rag Burcadnimo lagu soo Eedeeyay.

Posted on Feb 28 2010 - 7:48pm by News Desk
Tweet
Pin It

mBartamaha(Muqdisho):-Maxkamada Xarakada Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday rag horay u dhacay Xarumaha Shirkada Xawaalkadaha Muqdisho.

Maxkamada Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa waxa ay xukun ku riday dhalinyaro la sheegay in ay ku dhaqaqeen falal dhac ah kuwaasi oo ay u geysteen Xarumaha SHirkadaha Xawaaladaha Muqdisho.

Maxkamada Al Shabaab ayaa waxaa la soo taagay illaa 16-qof oo ku Eedeynsan falal dhac ah waxaana la xukumay 10-ka mid ah oo  Maxkamada joogay 5-kamid ah ay qirteen danbiyada lagu eedeeyay halka 5-ta kalana ay inkireen danbiyada lagu eedeeyay,waxaana lagu xukumat 5-tan qofood ee qirtay danbiyadooda in xoolaha ay qaateen loo waday cadowga Muslimiinta ay iska dhiibaan iyo min sanad xarig ah.

6-nin oo kale oo la sheegay in ay wax dhaceen  ayaa la waayay oo dhanka Dowlada u galay kuwaasi oo Maxkamada ay sheegtay in lacagtaasi ay iska bixnayaan laguna leeyahay oo ay qirteen.

Maxkamada la soo taagay raggan ku Eedeysan dhaca Xawaaladaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu xkunka ku dhacay uu noqonayaa midkii ugu dabacsanaa marka loo eego dad horay Lugaha iyo Gacmaha looga jaray tuuganimo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.