Maxbuus Mayd ah oo laga helay Xabsi ku yaala Woqooyiga Magaalada Gaal-kacyo.

Posted on Feb 7 2010 - 8:14am by News Desk
Tweet
Pin It

maxBartamaha(Gaal-Kacyo):-Maydka nin Maxbuus ahaa ayaa saaka lagu arkay gudaha Xabsi ku yaala Xaafad ka mida Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Waxaa saaka Xabsi ku yaala Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo ayaa laga helay Maydka qof u xernaa Ciidamada ammaanka kaasi oo ay ka soo qabteen Xaafada garsoor Gaalkacyo.

Xabsiga laga helay Maydka ayaa waxa uu ku yaalaa Xaafada Garsoor Magaalada Gaalkacyo iyadoo dad badan ay la yabeen sababta keentay dhimashada ninka Maxbuuska ah oo aanay dushiisa ka muuqan wax dhaawac ah.

Saraakiisha dhanka ammaanka gaalkacyo ayaa ku mashquulsan sidii ay u ogaan lahaayeen sababta keentay dhimashada Maxbuuska kaasi oo la sheegayo in uu ahaa nin looga shakistaa dilalka iyo qaraxyada magaalada ka dhaca.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.