Maxamed Dheere “Dad wejiyada badan lama heshiiyo…anugu nabadan ka shaqeynaa…”.

Posted on Dec 1 2010 - 3:09pm by News Desk
Tweet
Pin It

m-dheereBartamaha (Muqdisho):- Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa jawaab cad ka soo saaray mowqifkiis ku aadan dagaalada iyo Warar laga baahiyay dhawaan.

Maxamed Cumar Xabeeb “M.Dheere” Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa daaha ka qaaday in aanu marnaba ku mowqif ahayn Yuusuf Indha  Cadde oo dhawaan dowlada isaga baxay kuna laabtay adeegsiga magaciisii hore.

Maxamed Dheere waxa uu cadeeyay in aanu heshiis wadaag la noqon Yuusuf Indha Cadde Hogaamiyaha Isbadal doonka ah waxaana uu sheegay in Masuulkaasi uu yahay jirjiroole aan meel loo raaci karin.

“Dad wejiyada badan lama heshiiyo Mana la hadlin lana hadli maayo Indha Cade iyo jirjiroolayaasha la midka ah….Ninkaas waa nin wejiya badan mana aqaan fikirkiisa…anugu nabadan ka shaqeyhaa,Madaxweynaha ayaana kala hadlay sidii aan u difaacan laha adhulkayga” ayuu yiri Maxamed Dheere.

Masuulkan caadifada ku caan baxay ayaa cadeeyay in dagaal toos ah uu la galayo shabaab iyo koox walba oo dowlada diidan waxaana uu meesha ka saaray in uu ogolaaday fikir uu watay Yuusuf Indha Cadde.

Hogaamiyahan weli leh koox ilaalisa iyo gawaari dagaal ayaa shaaciyay in uu u dhiman doono la dagaalanka shabaab iyo Kooxaha ka qabsaday xaafadihii uu ka soo jeeday ee Woqooyiga Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].