Masuuliyiinta ka soo jeeda Beesha Cayr Ee ku jira dowlada Soomaaliya oo sheegay in ay ka xunyihiin xarigii iyo Xil ka qaadistii Daahir Dheere Agaasime xigeenkii Isbitaalka Madiina,khilaaf jira oo xal loo la’yahay.

Posted on Jul 18 2009 - 6:20pm by News Desk
Tweet
Pin It

madaxda ceyr dowladaBartamaha(Muqdisho):-Mas’uuliyiin ka soo jeeda Beesha Ceyr kana dhexmuuqda dowlada Soomaaliya ayaa dhaliilay Xil ka qaadistii C/qeybdiin uu ku sameeyay Agaasme Xigeenkii Madiina Hospital.

C/Raxmaan C/shakuur Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalmiga Yuusuf Indha Cadde Wasiir dowlaha aan wareegtadiisa la hayn Ee gaashaandhiga, Maxamad Rooble Jimcaale Goobaale Sargaal ka mida Ciidamada Dowlada ku soo biiray,oo maanta dhammantood saxaafada la hadlaya ayaa waxa ay sheegeen in ay ka xunyihiin xil ka qaadistii Agaasmie Xigeenka Isbitaalka Madiina Daahir Dheere.

Wasiir dowladaha aan wareegtadiisa la arag Ee Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad (Indha Cadde) oo saxaafada la hadlayay Maanta ayaa waxa uu sheegay in C/qeybdiid Taliyaha Ciidamada Booliiska uu qaab qabiil u fara galiyay khilaaf soo kala dhexgalay madaxda Isbitaalka Madiina.

Yuusuf Indha Cadde ayaa ku baaqay in si dag-dag ah uu taliyaha Booliiska uu kaga laabto waregtadii xilka uu kaga qaadayay Sargaalkaasi ahaa agaasimer Xigeenka Madiina Hospital isla mar’ahaantaana uu raali galin siiyo beesha uu ka soo jeedo Daahir Dheere.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo isguna la hadlayay warbaahinta dalka ayaa waxa uu sheegay in aanay marnaba u dulqaadan doonin qaab dhaqanka Taliyaha Ciidanka Booliiska Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kuna tilmaamay mid faragalin qabiil ahaan ku dhisan ah .

Wasiirka Iskashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa tilmaamay in wax dulqaad ah aanay u yeelan Karin qaabka uu u talinayo Taliyaha Ciidamada Booliiska isagoo sheegay in ay qoraal u gudbiyeen Madaxweynaha islamar’ahaanataana ay ka qarsuganayaan talaaabada madaxweynuhu ka qaado sargaalkaasi inta laga gaarayana aanay u sii saamaxaynin xabsi guriga lagu hayo Daahir Dheere agaasime xigeenka Madiina Hospital.

Maxamad Rooble Jimcaale Goobaale oo isaguna ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowlada xiligan la shaqeysa ayaa sheegay in ay ammaanka Agaasime Xigeenka sugayaan dhawaana ay ka saarayaan xabsi guriga lagu hayo haddii aan laga qaadin saacado kooban gudaheed.

Goobaale ayaa intaasi ku daray in Daahir Dheere uu yahay muwaadin soomaaliyeed xaqna u leh in uu shaqadiisa sii wato isagoo balan ku qaaday in ammaanka isbitaalka Madiina ay Ciidama suga dhawaan geyndoonaan.

Dhawaanahan ayaa waxaa soo baxayay khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay Agaasimaha Guud Ee Isbitaalka Madiina Maxmed Yuusuf Buurane oo gacan saar la lahaa Cabdi Qeybdiid taliyaha Booliiska iyo Agaasmie xigeenka Isbitaalkaasi Daahir Dheere taasi oo la sheegay in salka ay ku haysay arima xagga maaliyada ah.

Xaalada khilaafka lamada masuul ayaa gaartay midi ugu xumayd iyadoo uu soo fara galiyay Taliyaha Booliiska balse ay ka danbaysay in beesha Cayr oo uu ka soo jeeday Daahir dheere ay qeyla dhaan muujisay ka dib xiriira lala sameeyay Cabdi Qeybdiid oo ay ku heshiin waayeen beesha uu ka soo jeeday masuulka xilka Taliska Booliiska ay ka qaadeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.