Masuuliyiinta Air-port Muqdisho oo ku Eedeyn shirkadaha Diyaaradaha in ay kordhiyeen lacagihii lagu raaci jiray Diyaaradaha.

Posted on Jul 29 2009 - 5:14pm by News Desk
Tweet
Pin It

garoonka Muqdisho diyaBartamaha(Muqdisho):-Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade Ee Muqdisho ayaa ku Eedeeyay shirkadaha Duulimaadka dalka ay qiima koror ka faa’iideys ah ku sameeyeen shacabka soomaaliyeed Ee ka cararya dhibaatada Muqdisho ka taagan.

Maareeyaha Guud Ee Air-portka Muqdisho Mudane Maxmuud Sheekh Cali(Dabe-Bayloot) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay shirkadaha duulimaadka Muqdisho bilaabeen in ay kordhiyaan qiimaha Tkidka diyaaradaha ee Muqdisho looga duulayo.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho Dabe-Bayloot ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay ka dhigeen qiimaha Tikidka lagu aado Magaalada Nairobi mid u dhiganta Yurub iyo Nairobi oo kale taasi oo uu ku tilmaamay mid sharaf dhac ah islamar’ahaantaana muujinaysa cadowtooyada shacabka barakacaya ay shirkadaha ku hayaan.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho ayaa ugu baaqay shirkadaha duulimaadka in ay lacagahaasi ka faa’iidayska ah yareeyaan una turaan shacabka dagaalada ka cararay maadaama ay yihiin kuwa ugu badan ee ka anbabaxaya Muqdisho.

Inta badan shirkadaha Duulimaadka Ee ka dhaqdhaqaaqa dalka Soomaaliya ayaa waxa ay yihiin kuwa ku shaqeeya hadba isbadalka jira iyadoo inta badan lacaga saara Tikidka xiliyada Xajka,Barakaca iyo Safarada Mudanayaasha Baarlamanka taasi oo intaba muujinaysa in shacabka ay ka wada faa’iidaystaan Shirkadaha Duulimaadka iyo Madaxda socdaalka Ee dowlada oo dhankooda kacaga saara Baasaboorada ay bixiso dowlada soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.