Bartamaha (Boosaaso):- Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Bari ayaa xalay ka badbaaday isku day dil lala damacsanaa markii lagu weeraray guriga uu magaalada ka daganyahay.
Taliyaha Laanta Canshuuraha Maamulka Gobolka Bari  Ee Puntland C/qaadir Axmed Kheyr ayaa xalay ka badbnaaday dil ay doonayay in ay u geystaan kooxo dablay hubaysan ah oo ka baxsaday goobta.
Kooxda Hubaysan ayaa Bam Gamceed iyo rasaas la beegsatay Taliyaha xilli uu doonayay in uu gudha u galo guriga uu magaalada ka daganyahay oo ku yaala xaafada Laanta Hawada Ee Magaalada  Boosaaso.
Taliyahaya ayaa si dirqi ah Bamka iyo rasaasta daba taalay uga badbaaday waxaana xiligaasi ka dib bilaabatay tacshiir kooban oo ay is dhaafsaden taliyaha Ilaaladiisa iyo dablaydii soo weerartay guriga Taliyaha.
Shalay ayay ahayd markii laba qof lagu dilayay magaalada Boosaaso xilli maamulka Gobolka Bari ay u sheegeen in dib loo hantay amniga magaalada ka dib Howlgaladii raafka ahaa ee ka dhacay Magaalada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.