Masjid Maraykan ku yaal oo laysku haysto oo la xiri rabay (DHAGAYSO)

Posted on Sep 18 2009 - 9:34pm by News Desk
Tweet
Pin It

11Arrintan Masjid Salaama oo aan hadda ka hor kasoo warannay ayaa maalintii Talaadada ahayd 15kii Sebteembar dib usoo noqotay.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Arrintan oo noqotay mid magaalada Columbus oo dhan looga hadlo ayaa waxay u dhacday sidatan:
Shiikh Maxamed Xasan ayaa wuxuu u tagay Mifflin Police isagoo ka codsanaya inay u ilaaliyaan Parking-ka dhismaha masaajidku uu ku yaal oo ay ganacsiyo kale ku dhex yaalaan sida ay noo sheegeen dad goobjoog ahaa, codsigan oo loo yaqaan Special Duty ama Waajibaad Khaas ah, Saacadaha uu ka dalbaday boliiskana waxay ahaayeen sida lasoo xaqiijiyay 3da ilaa iyo 7da fiidnimo.

Sida caadada ah wadanka Maraykanka waad dalban kartaa booliis inay meel kuu ilaaliyaan ama ay goob joog ka noqdaan adigoo kharash yar ah iska bixinaya. Arrintu si kastaba ha ahaatee askariga booliisku wuxuu tagay meeshii laga soo dalbaday oo ahayd Parking-ka ama meesha baabuurta la dhigto.

Isla markii uu askarigu yimid meesha ayaa waxaa Shiikh Maxamed Xasan uu ka dalbaday inuu xiro Albaabka Masjidka Salaama oo ay ku jireen dad ku tukanayay iyo dad masjidka soonkooda ku qaadanayay sida ay noo sheegeen maamulka masjidku.

Mar aan la xiriirnay Mifflin Police sarkaal ka mid ah wuxuu noo sheegay in arrintan aysan wax shaqo ah ku lahayn balse ay tahay arrin ka dhaxaysa laba dhinac, booliiska xaafadduna aysan fara gashanayn.  Waana wax ay ku tilmaameen “Civil Case”,  maxkamad hadday rabaanna ay isla tagi karaan. Sarkaalku wuxuu kaloo Bartamaha u sheegay inay shaqadoodu tahay nabadda iyo waad noolaanshaha shacabka.

Warbixintan (kore) oo soconaysa 30 daqiiqo (kulligeed wada dhagayso) waxay taabanaysaa bilowgii sheekada ilaa iyo maalintii talaadada 09/15/09 arrintii dhacday.

Siyaado: Masjid Ibn Taymiyah waxay noo sheegeen inaysan shaqo ku lahayn dhaqdhaqaaqa Maxamed Xasan, waxayna kaloo tilmaameen  inuusan maamulka masjidka ku jirin kana mid ahayn.

Sawirka gudaha Masjidka oo dhexda lasoo sawiray:

2