Abdul wuxuu deggan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Maqaalkan ayaa ahaa wixii ugu horreyay ee uu qoro kadib markii dib loo soo daayay khadadka Internet-ka oo beryahanba ka jarnaa Dalka Masar gebi ahaan.
Mudahaaradyadii todobaankaan ka dhacayay Masar oo aan indhaheyga ku arkayay, shacabka Masaarida oo dhaafayay milyuumaad waxey ka adkaadeen xukuumada taas oo caburin ku haysay 30 sano waxey gubeen goobahii Boliiska iyo xaruntii Xisbiga ka taliya dalka.
Haatan waxaan ogaaday in dadka Masaarida ay yahiin dad jecel Nabada iyo kala dambeynta oo waxey dhowreen wadankooda ayaga oo burburin karay sidii aan 1991-kii dalka aan iskaga haleynay laakiin ma dhicin oo shacabka Masar waxey xaaqayeen jidadka.
Banaanbaxoodana waxey u wataan si nabadeysan markii ay qabtaan burcad, ama dadka wax biliqeysta waxey u dhiibayaan ciidamada qalabka sida oo ah awoodda sharafta weyna ku leh dalkan ee anan ka howlgalin dalka muddo 30 sano ah, waxeyna Militariga ku wareegayaan xaafadaha si ay u dhiiri galiyaan dadka maadaama ay meesha ka baxday ilaaladii Amniga ee wasaarada Arrimaha gudaha, kuwasoo ay shacabka ceyrsadeen maalin cad.
Ciidamada qalabka sida ee hadda la shaqeyanaya madaniga ayaa ah kuwa ixtiraam badan oo ka duwan kuwii booliska ahaa sida ay kuu sheegayaan dadka u dhashay dalkaan waxeyna indhahaaga qabanayaan ayagoo dareensiinaya jaceyl iyo isku dhawaansho, inkastoo ay jiraan qaar dhagaxyo ku tuuraya laakiin Militarigan waa kuwa ku xareysanaa waligood xeryahoooda oo aan ku tacidinin dadka sida ka muuqata.
Waxaad Dareemaysaa inay wali yahiin Masaarida kuwa leh xadaaraddii lagu yaqiinay, waxaana kuu cadeynaya taas markaad aragto shacab careysan oo askarigii ku ridayay qoriga intay ka qaadaan labada daan ka dhunkanayo ee ka daaweynaya daqaradii ay ku dhifteen … maxaad fili laheyd anaga hadaan qabano askari noo watay bunduq …?
Waxaa Xusid mudan in Banaanbaxaan ay bilaabeen dhalinyaro isku aruursatay website yada rayidka ku xariiraan sida Facebook iyo Twitter ayagoo gaarsiiyay dadka ka badan 2 Milyan , waxaana la dhahi karaa internetku hub ayuu u noqday dadkaan oo xataa loo diidanaa inay ku kulmaan isku imaatin ayagoo gaaray 15 qof.
Qofka Masriga ah maanta waxuu haystaa xoriyad aadamiga uu xaqa u leeyahay, waxuu rabo ayuu sheegi karaa maanta sidii doono ayuu u hadli karaa taasoo uusan haysan todobaadkii hore, Amaankase Ilaah bay u qabaan , balse su’aasha ayaa ah meesha maka baxi doonaa Madaxweyne Mubarak oo xalay sheegay inuu isa soo sharaxi doonin markale doorashada dhici doonta Septemper-ta inagu soo aadan.
Hadalka sarbeebta ee dadka shakiga galiyay ayaa ahaa markuu yiri Mubarak , wadankan meel aan ka aado ma jirto oo waxaan ahay askarigii usoo dagaalamay waana ku dhimanaya dalka … hadana waxuu sii daba dhigay inuu dhameysanayo xiligiisa kadib uu ka dagi doono jagada. taasoo ay u macneysteen dad badan inuu sameystay Madaxweyen ku xigeen uuna ku wareejin karo si uu ugu sii haayo wiilkiisa oo la damacsanaa waayahan in loo dhiibo madaxtinimada.
Markii uu hadalkiisa dhameystay madaxweynaha xalay waxey isla markii bilaabeen mudaaharaadyasha ku sugan Tahriir ku qeyliin tagi mayno kana dhaqaaqi mayno halkaan ilaa aad adiga ka tagtid…
Waxaan dhowrnaa waa (Jimcahii tagitaanka) oo ay banaanbaxaayasha ugu magac dareen jimcaha soo socdo iyagoo sheegay inay rajeynayan soo afjarida maamulka Mubarak.
Amaana Allah !
Abdul
____
Cabdul ayaa inooga soo tebin doonaa xaaladda guud ee Masar iyo sida ay Soomaalida dalka Masar joogta ay u nool yihiin.
Mubaarak tagi maayee, shacabkaa daalayo ayaan u maleynayaa