Marathoon Loogu Magac Daray Rajada Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Posted on Apr 24 2010 - 2:20pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSCN0384Waxaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Strasbourg oo ah Xarunta Barlamaanka Yurub Oroddada dheer ee loo yaqaan Marathoonka oo gaarayo masaafo dhan 600 km.

Marathoonkaas oo lagu magac daray “Rajada Soomaaliya” ujeedadiisu waxey aheyd mid lagu gubaabinayo dadweynaha Yurub laguna dareensiinayo qadiyadda Somaaliya iyo baahida loo qabo wax ka qabadkeeda.

Marathoonkaasi oo kasoo bilowday April 16, 2010 magaalada Alessandria ee waqooyiga dalka Talyaaniga, waxuu soo gaaray yoolkiisa oo ahaa magaalada Strasbourg ee dalka Fransiiska maalinta April 20eeda, 2010.

Waxaa Orodkaasi masaafada dheer ah ka qeybgaleen 12 orodyahanno oo ka kooban 9 nin iyo 3 dumar, kuwaas oo soo dhex mareen dalalka Talyaaniga, Swizterland Jarmalka iyo Fransiiska. Inta ay orodka Marathoonka ku jireen, Orodyahannada waxey si tell-teel ah isu dhiibayeen Tooshash buluug oo mitilaaya Calanka iyo Khariidada Soomaaliya.

[slidepress gallery='marathon']

Waxaana orodyahannada oo horsocday Duqa Magaalada Alessandria, Piercarlo Fabbio subaxnimada kusoo dhaweeyey Xarunta Barlamaanka Yurub ee Strasbourg, wafdi ka socday Barlaamaanka Yurub.

Sidoo kale, waxaa Wafdiga Talyaaniga garab socday Mudane Sheikh Aweis Macow Maxaadow oo ah Gudoomiyaha Ururka Leylis-Saraakiishii kasoo qalin-jebisay Akadeemiyada Ciidamda ee Modena (Ex Ufficiali Somali dell’ Accademia Militare di Modena).

Gudoomiyaha Ururuka oo saldhigiisu yahay magaalada Arezzo ee dalka Talyaaniga, wuxuu isla maalinimada 20ka Apriil warbixin ka siiyay Guddi ka socda Barlamaanka Yurub taariikhda dhismaha ururkaasi, Ujeeddooyinkiisa iyo  qorshaha waxqabadkiisa. Wuxuuna Xarunta Barlamaanka Yurub kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Yurub, Mudane Jerzy Buzek.

Urukan oo ah mid samafal ah waxaa Xubnahiisa ka kooban yihiin saraakiiishi Soomaaliyeed wax kusoo baratay Akadeeemiga Modena laga bilaabo 1958dii illaa 1990ka, kuwaasoo haatan ay ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Urukan wuxuu howlo Samafal ah ka fuliyay dalka gudahiisa iyadoo deeq u gudbiyay naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo haatan ku tabaaleysan Cisbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Ururkan wuxuu sidoo kale ku talo jiraa inuu sii balaariyo takuleynta iyo gargaarka loo fidinayo xubnaha Ciidamda Qalabka Sida Soomaaliyeed ee haatan ku sugan gobolladaa dalka oo dhan.