Bartamaha (Kampala):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo xubno la socday ayaa saaka ka dhoofay garoonka Muqdisho iyagoo u boqoolay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdeen qaar ka mida saraakiisha Ciidanka Dowlada ayaa saaka diyuurad qaas ah ka raacay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Shariif waxaa socdaalkiisa ku wehliyay mid ka mida wasiirada oo aan magaciisa la helin iyo Labada sargaal ee kala hogaamisa Militariga iyo Booliiska Dowlada KMG ah.
Shariif socdaalkiisa dhanka Kampala ayaanan la ogayn waxa uu ku salaysan yahay wallow warar hor dhac ah oo la helay ay sheegayaan in uu soo xerayo tababar Ciidan Dowlada loogu soo afmeerayo Magaalada Kampala.
Wax ar ah kama soo bixin Xafiiska Madaxweynaha markii saaka uuy ka duulayay garoonka Magaalada Muqdisho waxaana socdaalkiisa uu imaanayaa xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan Mowjad siyaasadeed ka dhex taagan Xukumada iyo Baarlamanka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika