Madaxweyne Shariif oo shaaca ka qaaday in kulankiisa Hellary Clinton ay muujinayso taageerada Caalamka Ee Dowladiisa.

Posted on Aug 4 2009 - 4:43pm by News Desk
Tweet
Pin It

shariif2Bartamaha (Muqdisho):-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kulanka uu saacadaha soo aadan la yeelanayo Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka wada hadli doonaan arimaha Siyaasada,Ammaanka,Isbadalada dalka ka socda iyo Xiriirka labada dowladooda isagoo rajjo ka muujiyay in ay helayso taageera caalami ah oo xagga Militariga.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa shaaca ka qaaday in kulankaasi uu muujinayo taageerada Caalamka uu u hayo dowlada uu madaxweynaha ka yahay isagoo ku faanay in in dowladiisu ay furo u noqonayso sidii caalamka uu indhihiisa ugu soo jeedin lahaa soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka warhayo Muwaadiniin soomaaliyeed oo lagu qabtay Australia taasi oo uu ku tilmaamay mid laga xumaado isagoo sidoo kale wax laga naxo ay tahay in qaxooti soomaali ah ay dalkale dhibaato ka geystaan.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayntii ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay isdajiyaan islamar’ahaantaana ay u dulqaataan dhibaatada ka taagan caasimada isagoo balanqaaday in xilli aan dheereen ay soo afmeerayaan dagaalada dabada dheeraaday ee Dalka ka socda.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.