Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cadde international Airport, isagoo ka soo laabtay shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay Magaaladda Adis Abbaba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed wafdigiisa waxa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdulaahi Omaar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdinuur Sh, Maxamed iyo saraakiil ka socotay xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan Sh. Adan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed, Cabdullaahi Farmaajo Wasiirka Gaashaandhiga CabdiXakiin Fiqi Wasiirul Dowlaha Madaxtooyada Cabdul Qaadir Macalin Nuur iyo Xildhibaano Saraakiil ka socoto xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweyanah Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa magaaladda Adis Ababa kaga qeybgalay sedex shir oo kala ah midka Midowga afrka , Igad iyo mid ay soo qabanqaabisay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeya oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa shirarkaas ka jeediyay Qudbadooyin uu ugawaramayo xaaladda Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday ka hadlidda sidii wax loogu qabanlahaa Umadda Soomaaliyeed oo dhibaato ku jirta muddo ka badan 20 sanno.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday madaxdii ka soo qeyb gashay shirarkaas in ay taageeraan Umadda Soomaaliya si looga saaro dhibaatada ay ku jiraan.
Daawo sawirada:-
Malik Abdalla
Communications Director
Office of the President
Email: [email protected]