Bartamaha (Muqdsisho):- Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Wafdu uu hogaan u yahay ayaa maanta ka dhoofay garoonka Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Dalka Britain.
Madaxweyne shariif Sheekh Axmed iyo Wasiiro la socday ayaa maanta ka dhaqaaqay Magaalada Muqdisho iyagoo u kicitimay Dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiiro iyo madax kale ay ka mid ahaayeen.
Gudoomiyaha Maxkamada sare Maxamuud Faarax Indhabuur,
- R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda Shariif xassan Sh aadan,
-Wasiirka haweenka iyo Arimaha Qoyska, Fowsiyo maxed Sheekh,
-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurille,
-Wasiirka Hidaha iyo tacliinta sare Maxamed C/llaahi oomaar,
- Wasiirka qorsheynta Iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Madax kale.
Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ayaa waxa ay ku wajahanyihiin Magaalada London ee Dalka Britain halkaasi oo lagu wado in ay kula kulmaan Madaxda Ingiriiska.
Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa in uu la kulmo saacadaha soo aadan Ra’iisul wasaaraha Britain Gorden Brown oyo wasiirka arimaha dibada.
Kulanka ayaa lagu wadaa in ay uga wada hadlaan arimaha dalka soomaaliya iyo dhibaatada haysata Lamaanaha Britishka ah ee lagu haysto Xeebaha Xarardheere Somalia.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
adeer wa farxad in madaxweynaha dowladda midnimo qaran uu howl qaran egland uu u ado, waxana ka sugeyna in uu dib ugu so noqdo dalkii hoyo si uu ula dagalamo koxaha mafiyada ee dalka & dadkaba ka rebay dunida horumartay.
Waxan leyahay madaxweyne wan kula jirna hadan nahay qurba jogta oo wadankii ayaan u xiisnay
ALLAKU AKBAR