Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalaya Shirka Kampala (Daawo Sawirada).

Posted on Jul 25 2010 - 6:54am by News Desk
Tweet
Pin It

Shariif oo ka dagay Kampala

Shariif oo ka dagay Kampala

Bartamaha (Nairobi):- Shirka Madaxda Midowga Afrika oo ka socanaya Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha ayaa waxaa ku biiray Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka dagay garoonka Diyaaradaha Entebbe .

Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa shalay galinkii danbe ka dagay Garoonka Caalamiga ah Ee Entebbe halkaasi oo si aad u saraysa loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Madaxda la socotay oo ka qeybqaadanaya shirka Kampala.

Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhiga Abuukar Mardaadi,Boosatada iyo Isgaarsiinta C/r5isaaq Jurile iyo madax kale kuwaasi oo kala qeybgalaya shirka Kampala uga socanaya Madaxda Midowga Afrika oo si gaar ah maanta uga hadlaya arinta soomaaliya.

Madaxda Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maanta ay ka doodaan Xaalada Soomaaliya iyo sidii Ciidan xoogan loo geyn lahaa dalka dagaalada ay weli ka sii socdaan Ee Soomaaliya oo lagu wado in ciidan kale lagu kordhiyo kuwa haatan jooga.

Daawo Sawirada:-

Calanka Soomaaliya oo ka dhex ba-banaya Calamada Dowladaha AU

Calanka Soomaaliya oo ka dhex ba-banaya Calamada Dowladaha AU

sharii3

Salaanta Madaxweyne Shariif

Salaan la siinayay Madaxweyne Shariif

C/risaaq Yuusuf Cabdalla “Kampala”

[email protected]

[email protected]

[email protected]

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.