Madaxweyne Shariif iyo Wafdi la socda oo ku sii jeeda Wadanka Kuwait.

Posted on Oct 25 2009 - 8:31am by News Desk
Tweet
Pin It

shariifkaBartamaha(Kuwait):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ku sii jeeda Wadanka Kuwait ka dib casuumaad uu ka helay Dalkaasi.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka anbabaxay Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha ka dib casuumaad uu ka helay Dalka Kuwait.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa saacado ka hor ka baxay Magaalada Kampala iyagoo sii maraya Dubai halkaasi oo ay uga sii boqoolayaan Magaalada Kuwait.

Socdaalka Madaxweyne Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan dalka Kuwait iyagoo muddo 2-cisho ah joogaya Dalkaasi.

Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa kala soco www.Bartamaha.Com

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.