Madaxweyne Mowi Kibaki oo ka digay qatarta Al-qaacida ee Dalka Soomaaliya.

Posted on Sep 24 2010 - 2:52pm by News Desk
Tweet
Pin It

55811581Bartamaha (Newyork):- Madaxweynaha Dalka Kenya oo hadal ka jeedinayay shir ka socanaya magaalada New York Ee Dalka Maraykanka kaasi diirada lagu saarayo arimo ay bugu horayso Soomaaliya.

Shirkan oo hadal dheer uu ka jeediyay Madaxweynaha Dalka Kenya Mowi Kibaki waxa uu u sheegay  golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay in Qatar badan gobolka uga soo wajahantahay dhanka soomaaliya.

Mowi Kibaki waxa uu sheegay in soomaaliya ay noqotay bahala galayn ay ku sii badanayaan kooxda shababab iyo Al-qaacida taageersan iyadoo laga yaabo in ay qorsheystaan faafinta dhibaatadooda.

Madaxweyne Mwai Kibaki kuu ku magcaabay qalalaasaha ka jira dalka Soomaaliya in ay tahayqatarta ugu weyn ee wax u dhimaysa nabada,amniga  iyo xasiloonida caalamka.

Madaxweynaha Kenya waxa uu ugu cadeeyay in dowladiisa ay amni ahaan aad u sugtay xadka ay soomalaiya la wadaagto si aanay ugu soo dhawaan xoogaga Argagixisada ah.

Kibaki waxa uu ku dhaleeceeyey beesha caalamka in ay dayaceen wax ka qabashada dalka Soomaaliya waxa uuna ku eedeeyey  golaha amaanka ee Qaramada Midoobay sida ay uga gaabsheen ugana meer meerayaan wax ka qabashada mushkilada Soomaaliya.

Hadalka Kenya ay fekerkeeda ka muujisay Qaramada Midoobe ayaa imaanaya xilli xaalada soomaaliya ay ka sii darayso islamarkaana alshabaab ay isku sii balaarinayaan guud ahaann dalka geeska afrika ku yaala ee Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]