Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaaladda London Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaalida Una Sheegay in la Furayo Safaaraddii Soomaalida ee UK

Posted on Mar 11 2010 - 9:13am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

DSC01001

Bartamaha (London):- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan aad loo soo agaasimay la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ee London , waxa uuna u sheegay in dowladda Britain ay aqbashay in safaaraddii Soomaliya laga furo dalka Britain. Arrintaas oo sacab iy osawaxan muddo qaatay lagu soo dhaweeyey.
Kulanka Madaxweynaha iyo jaaliyadda oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dad saddex kun kor u dhaafay, ayaa ahaa mid damaashaad iyo farxad ay hareereeyeen iyada oo isbartiimo laba dabaq ah oo xafladdu ay ka dhacday ay aad uga dhex muuqdeen rag, caruur iyo haween ku labisnaa calanka Soomaliya.
Kulanka oo uu xiriirinayey qoraaga / weriyaha caanka ah ee Raage Omaar, Madaxweynaha hortiis waxaa hadal ka jeediyey, Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Az-hari) iyo Ra’ iisul Wasare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Sharif Xasan Sheekh Aaden, iyaga oo labaduba carrabka ku adkeeyey kaalinta jaaliyahada dibadda ee dib u soo celinta Qaran Soomaaliyeed.
Gunaanadkii kulanka kaddib, Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah dad aadka u firfircoon ee jaaliyadda Soomaalida ee Lodon isaga oo dhanka kale Madaxweynuhu khudbaddiisa ku dheeraaday arrimo badan oo taabanayey dannta Qaranka iyo kaalinta jaaliyadaha dibadda.

Warfaafinta Madaxtooyada
Email: [email protected]

sawirada halkan ka daawo.

DSC01001

DSC01005

DSC01003

DSC01002