Bartamaha(Garoowe):-Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa war uu xalay soo saaray isla markaasna uu ku beegay xuska sannad guurada 11-aad ee ka soo wareegtay markii la dhisay dowladda Puntland Soomaaliya, wuxuu ku dhawaaqay in laga daayey dowladdii Magacii hore ee ahaa {Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed Ee Puntland}, loona bixiyey {Dowladda Puntland Ee Soomaaliya}, taas oo uu sheegay in laga bilaabo xalay lagu howlgalayo.
Madaxweyne Dr.C/raxmaan Faroole oo warkan magaca looga bedelay dowlad Goboleedkii Puntland wareegto ka soo saaray, ayaa waxa uu soo marsiiyey Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, kaas oo saxaafadda u sheegay inay dowladda Puntland ee Soomaaliya ay raadineyso nabad ka dhacda Soomaaliya oo dhan, oo aysan marnaba yeeli doonin talaabooyinka qaarkood.
Madaxweyne Faroole ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay adkeeyaan nabadda ay ku haystaan deegaanadaasi isagoo sheegay in dhammaan shacabka ku dhaqan Puntland uu ugu hanbalyaynayo Nabada iyo sanad guurada 11-Ee Jiritaanka Maamul goboleedkaasi loo badalay dowlad Goboleed.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.