Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Goboleedka Hiiraan State ayaa maanta shirjaraa’id ku qabtay Nairobi isagoo faahfaahiyay siyaasadiisa cusub.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan State oo maalma ka hor lagu doortay Magaalada Nairobi ayaa maanta faah-faahin guud ka bixiyay qorshihiisa siyaasadeed ee xiliyada soo aadan.
Madaxweyne Maxamuud Cabdi Cabdulle “M.A.Gaab†oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu ka hadlay qorshihisa siyaasadeed eek u wajahan gobolka loo doortay Ee Hiiraan.
Mudane Maxamuud Cabdi Gaab waxa uu saxaafada u sheegay in Dowladiisa ay tagi doonto dhawaan magaalooyinka kala duwan Ee Gobolka Hiiraan isagoo ammaanay shacabka reer Hiiraan oo uu ku sifeeyay kuwa nabada jecel.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu doonayo in uu isku filnaysiiyo taageerada gudaha dalka iyo wada shaqeynta shacabka isagoo raja ka muujiyay tagitaanka maamulkiisa gudaha dalka.
Madaxweyne Maxamuud Gaab oo garabkiisa uu fadhiyay madaxweyne xigeenka maamulka Hiiraan Col.Isxaaq Cali Cabdulle iyo qaar ka mida abaabulayaasha guud ee maamulka ayaa waxa ay balan qaadeen in dhawaan ay tagayaan magaalooyinka Hiiraan.
Maxamuud Cabdi Gaab oo saxaafada ay su’aala ka weydiisay shaqada uu ka qaban karo gudaha Gobolka Hiiraan ayaa sameeyay balan qaad buuxa oo la xariira arintaasi.
www.Bartamaha.Com oo madaxweynaha weydiisay sida uu ka yeelayo Alshabaab iyo kooxaha ka taliya Gobolka ayaa waxa uu yiri “Alshabaab iyo cid walboo hadda haysata ma aha kuwa u taliya shacab raali ka ah balse xoog ayay ku joogaan mana ah taas mid lagu Eeganaayo….Alshabaab waxaan leenahay gobolka lagu soo wareejiya oo cidii aan u dhalan gobolka ha iska baxdo cidii kalana ay joogto gobolkeeda…â€ayuu yiri Madaxweynaha.
Mudane Maxamuud Cabdi Gaab waxa uu dhanka kale baaq u jeediyay shacabka reer Hiiraan waxa uuna sheegay in looga baahanyahay la shaqeynta Maamulka ay doorteen.
Masuulkan hogaanka ka ah Maamulka Cusub ee Hiiraan waxa uu balan ku qaaday in maamulkiisa uu tagayo Gobolka Hiiraan si bulshada looga dulqaado dhibaatada haysata.
Hadalka masuulkan ayaa imaanaya ka dib markii maalma ka hor magaalada Nairobi lagu doortay Madaxweynahan Cusub Ee Maamulka Dowlad Goboleedka Hiiraan.
Daawo Sawirada:-
Abdirizak Kampala
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Maba fahmin weli. iyada markaad maamul goboleed tahay oo aad dowlad dhexe aad aaminsan tahay, maamulkaas wuxuu lee yahay Governor/guddoomiye mise Madaxweyne.
Madaxweynahaan layska daba wado bal naga kala yareeya. wadankiiba wuxuu noqdey naf iyo madaxweynee.belaa ka dhici weydey.
Mr.president cafimadkada Hambaliyo