Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo manta faah-faahin buuxda ka bixiyay socdaalkiisi Magaalada Nairobi.

Posted on Aug 10 2009 - 3:24pm by News Desk
Tweet
Pin It

shariif sheekh
Bartamaha (Muqdisho):-
Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya oo manta shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu magaalada Nairobi kulamo kula qaatay madax iyo dib-lumaasiyiin Caalami ah guulna ay ka gaareen kulamadaasi.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay in uu kulamo la yeeshay Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka Hillery Clintor, Wasiirka Gaashaandhiga Angoola,Wasiirada difaaca wadamada Ugandha iyo Burundi oo uu sheegay in ay ka wada hadleen arimaha dowlada soomaaliya .

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu tilmaamay in dhammaan madaxdii uu la kulmay ay ka wada hadleen arimaha hurmarka siyaasada Ee Dowlada Soomaaliya iyo difaacida dowlada oo ay balan ku qaadeen dhammaan madaxdii uu la kulmay.

Madaxweyanaha ayaa waxa uu sidoo kale ku celiyay hadalkii ahaa in soomaaliya ay ku soo dulleen kooxaha Al-Qaacida oo taageeraya Islaamiyiinta Mucaaradka ah isagoo sheegay in ay ka amarqaataan Usaama Bin Laadin sida madaxweynuhu uu sheegay.

Madaxweynaha ayaa shirkiisii jaraa’id ee manta ku sheegay in ay dowladiisa diyaar u tahay wada hadal ay la galaan kooxaha Soomaalida Mucaaradka ah oo uu tilmaamay in aanay dan ugu jirin rasaas iyo madaafiic ay shacabka ku laayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.