Bartamaha (Minnesota):- Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa gaaray Magaalada Minnesota halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno la socday ayaa waxa ay gaareen Minnesota halkaasi oo si weyn ay ugu soo dhaweeyen Soomaalida dagan dalkaasi Maraykanka oo munaasabad balaaran ugu sameeyay magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Soomaalida ah ee ka soo jeeda dalka Ethiopia waxa uuna jeediyay Khudbad baraarijin iyo farxad la wadaagid u badnayd oo uu farta ugu fiiqay dadka wadada nabada.
Madaxweyne Abdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu soo bandhigay qudbad ay ku jirto qiiro iyo shacuur, kana turjumeysey marxalada uu marayo wadanka iyo guud ahaan dhulka soomaalida dagantahay ee dalkaasi Ethiopia.
Dadka Munaaabada joogay ayaa wada watay dhammaan calanka deegaanka soomaalida iyo midka Ethiopia waxaana muuqaalka ahaa mid aad u bilic wanaagsan oo soomaalida dhan ay ku faraxsanaayeen soo dhawaynta masuulkaasi dowlada deegaanka soomaalida ethiopia ka madaxda ah.
Daawo Video:-
Sawirada Xaflada oo dhan halkan guri :-http://picasaweb.google.com/somalimedia/DDS?authkey=Gv1sRgCO2Ek-veofaQOQ#5565830161726994802
wagaree waa layaab dadkaan oo dhan mawaxey soo dhaweey ninka amxaaradu wadato xitaa waa ku jira odayaal waxaa laga rabay inay kusoo dhaweeyaan dhagax iyo tuuryo somaliyeey aaynu kuwada balano hadii nabad lawaayana amxaar inusan naga libin helin oo aaynaan naxariis ugalin amraaxo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sinaawi hadaan midigta kula helo hilbahaaga waa karin