Madaxweyanaha ugandha Yoweri Museveni oo xilkii ka qaadfay taliyihii Ciidamada Amisom Gen. Francis Okello

Posted on Jul 6 2009 - 9:03am by News Desk
Tweet
Pin It

ugandaBartamaha (Muqdisho) Madaxweynaha Dowlada Ugandha Yoweri Museveni oo xalay saxaafada kula hadlay qasriga madaxtooyada dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in xiligan uu bilaabanayo isbadal uu ku samaynayo ciidamadiisa ku sugan dalka Soomaaliya isagoo wareegta xilka qaadis ah halkaasi ka aqriyay.

Madxweyne Museveni ayaa sheegay in xiligan uu jagadii madaxnimada ciidamada wadankiisa ee Soomaaliya joogay uu ka qaaday General Francis Okello isagoo sheegay in uu si weyn sargaalkaasi u daciifiyay awooda ciidamadooda ay soomaaliya ku lahaayeen isla mar’ahaantaana uu ku dhaqaayay qaabab dalxiis u badan iskana ilaabay howshii howlgalka nabada ilaalinta soomaaliya.

Museveni ayaa sheegay in haatan uu ciidamo cusub u soo dirayo dalka soomaaliya isla mar’ahaana leh taliya cusub oo howlgalintooda u xilsaaran isla mar’kaasina looga baahanyahay fulinta amarada ka soo baxaya Midowlaga Afrika ee ku aadan nabad ku soo dabaalidda dalka soomaaliya.

Sargaalka Xilka laga qaaday ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo wareegtada uu soo saaray madaxweynaha isagoo sheegay in uu dhawaan wareejinayo qaabkii shaqo ee taliskiisa ay uga howlgalayeen dalka soomaaliya oo uu sheegay in uu ku wareejin doono sargaalka cusub Ee Ciidamada Ugandha Dalka Soomaaliya loo xilsaaray isla markaasina uu gaari doono dhawaan magaalada Kampala Ee Dalkiisa.

Sargaalkan taliyaha ka ahaa Ciidamada AMISOM ee lagu magacabo Francis Okello ayaa jagadaasi la sheegay in uu ku waayay hadal maalintii Sabtida uu jeediyay kaasi oo ahaa in aanay jirin wax dhibaatada ah ay ciidamadooda ka dareemayaan Muqdisho iyo qatarta caalamka ka sheegayo soomaaliya in ay ku soo wajahantahay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.