Madaxwayne Shiekh Shariif oo booqday Barta Hoggaaminta Midowga Yurub Ee la Dagaalanka Burcad Badeedda (Sawiro)

Posted on Mar 10 2010 - 10:05am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

DSC00876

Bartamaha (London):- Booqashadii Madaxweynaha ee UK ayaa caawa gaartay duleedka London halkaas oo Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay booqasho ku tageen Xarunta Hawlgalka Ciidanka Badda ee Yurub ee la dagaalanta burcad badeedda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyey saraakiil reer Yurub ah oo ay ka mid ahaayeen Rear Admiral Peter Hudson iyo Admiral Bartalome, Admiral Soar, Admiral Ort iyo safiirro iyo madax ciidan oo Yurub ah, kuwaas oo warbixin dheer Madaxweynaha ka siiyey dadaallada, hawlgalada iyo tabta ay Midowga Yurub kula dagaalamaan kuna xakameeyaan burcadda badda Soomaaliya.

Intaas kaddib Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa loo furay albaabadda barta hawl-galka ee ciidankaas iyaga oo la tusay qaabka hawl-galada la dagaalanka burcadda. Dhanka kale, madaxda Midowga Yurub iyo wafdiga Soomaaliya ee Madaxweynuhu uu hoggaaminayo waxa ay is dhaafsadeen fikrado la xiriira sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dowladda Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Kulankaas kaddib ayaa saraakiisha midowga Yurub waxa ay casho sharaf u sameeyeen wafdiga Madaxweynaha iyaga oo Madaxweynaha guddoonsiiyey hadyad.

Dhanka kale, berri ayaa ah maalin kale oo uu buuxo jadwalka shaqo ee wafdiga Madaxweynaha yada oo ay ugu horrayso 8:30am warayisyo is-daba socda oo ay Madaxweynaha la yeelan doonaan televisionada CNN iyo Al Jazeera.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu subaxii la kulmi doono Wasiirka Horrumarinta Caalamiga ee Britain Mudane Douglas Alexander; duhurkana waxa uu arki doono Wasiirka Arrimaha Gudaha Alan Johnson iyo galabtii qaabili doono u-qaybsanaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah.

Warfaafinta Madaxtooyada
[email protected]

DSC00886

DSC00887

DSC00884