Madaxtooyada Dowladda KMGÂ Soomaaliya ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixisay socdaalkii uu Madaxweyne Shariif kusoo maray wadamada Dibadda ah iyo waxyaabaha uu Madaxweynuhu u qabtay Qarana Somalida.
Agaasimaha Madaxtooyada ee dhanka Saxaafadda C/qaadir Barnaamij oo Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu socdaalo kusoo maray wadamo Xariir wanaagsan laleh Dowladda KMG Somalia.
Mr.Barnaamij wuxuu carrabka ku dhiftay in socdaalkii Madaxweynaha ee dalalka Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya uu kusoo idlaaday Guul islamarkaana uu kor u qaaday taageeradii ay Beesha Caalamka siin jirtay Dowladda Federaalka Somalia.
“Madaxweynaha saaka abaara 7:00 subaxnimo ayuu si nabad ah ugasoo degay garoonka Muqdisho isagoo kasoo socdaalay magaalada Nairobi wadanka Kenya†ayuu yiri C/qaadir Barnaamij.
Saraakiisha Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in Dowladda KMG Somalia ay balan qaadyo ka heshay wadamada Mareykanka,Sacudi Arabia,Libya iyo beesha caalamka.
C/qaadir Barnaamij wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in kulamadii dhaxmaray jaaliyadda Somalida Mareykanka iyo Madaxweyne Shariif ay wax weyn ka bedeli doonto Fikirkii ay Jaaliyada Somalida ka aaminsanaayeen Dowladda KMG Somalia.