Madax furasho ay dalbadeen Burcad Badeeda haysata Markab Gawaari u siday Sucuudiga.

Posted on Feb 6 2010 - 8:02am by News Desk
Tweet
Pin It

budhcad-badeed soomaaliyaBartamaha(Hobyo):-Burcad Badeeda haysta Markab laga leeyahay Wadanka Britain ayaa dalbatay in laga siiyo Madax furashadii ugu qaalisanayd abid taasi oo ku cuslaatay dhagaha madaxda shirkada leh Markabkaasi.

Burcad Badeeda ayaa dalbatay in laga siiyo lacag dhan 15.Milyan oo doolar Markab waday Gawaari nuuca raaxada ah oo ku sii jeeday Dalka Saudi Arabia islamarkaana laga laha wadanka Britain.

Kooxda Markabka haysata ayaa waxa ay ka dalbadeen Dowlada Kuuriyada Konfureen oo uu markabka u kireysnaa iin ay lacagtaasi siiyaan iyagoo wacad ku maray in ay qaadanayaan hantida markabka saran shaqaalahana ay dhibataynayaan haddii aan lacagtaasi la bixin.

Markabka waxaa la xaqiijiyay in ay saaranyihiin in ka badan 3,000-gawaaridda nuuca raaxadda ah oo lo waday Wadanka Sucuudiga halka qaar ka midana loo sii qaadi lahaa wadanmka Kuurida Koonfureed.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.